Wasiirka Caafimaad Xukuumada Soomaaliya Xaawa Cabdi Maxamed ayaa maanta waxa ay kormeer ku sameysay Isbitaalka Wardi oo ku Yaala degmada Xamar jajab ee Gobolka Banaadir.
Madax hay’adda wardi ee Soomaaliya oo dhistay isbitaalkaan xuseen Cabdi Isaaq ayaa Warbixin ka siiyey wasiirka cidda ka gacansiisay Bixinta Dawooyinka iyo Mushaaraadka shaqaalaha isaga oo ka codsaday Wasaaradda Caafimaadka in kaalin deeda ay ka soo baxdo
Wasiirka Caafimaad Xaawa Cabdi Maxamed ayaa sheegtay in kormeerkii maanta uu qayb ka ahaa howllo mudooyinkii ugu dembeeyey lagu hubinayay qaabka ay u howlgalaan xarumaha Caafimaadka iyadoo sheegtay in si buuxda dowladda ay ula wareegi doonto mamulka Isbitallada dalka
Ugu dembayntii Wasiirka Cafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Guul ay u tahay Dowladda Soomaliya Horumarka ay sameeyeen Isbitaalada Waddanka oo hadda ay tilmaamtay in laga helayo Adeegyo cafimaad oo dalka dibaddiisa loo aadi jiray.