Tuesday, February 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Degmada Warshiikh oo ku baaqay in la joojiyo colaad ka taagan deegaanno degmada hoos taga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Maamulka Degmada Warshiikh oo ku baaqay in la joojiyo colaad ka taagan deegaanno degmada hoos taga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Degamda Warshiikh ee gobolka shabeelaha dhexe ayaa ugu baaqay dadka walaalaha ah ee ku dagaalamaya tuulooyinka Muungaab iyo Gumaroow in ay si deg deg ah ku joojiyaan xabada, ayna ogaadaan in dagaal uu wiil ku dhinto, uusan wiil ku dhalan soomaaliyana ay xiligaan ka soo daashay dagaalo ahli ah.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha degmada Warshiikh Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) ayaa lagu sheegay in mar waliba ka go’antahay ka shaqeynta nabadaynta iyo dib-u-hishiisiinta dadka degan tuulooyinkaas ee ay dirirta ka dhacday, lagana codsaday inay aqbalaan gogosha dib-u-heshiisiineed oo uu ku dhawaaqay Maamulka Dagamada, isagoo la kaashanaya Culumu’idiinka Deegaanka, Dhaqanka, Aqoonyahanada, Maamulka heer Gobol iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xarigga ka jaray Terminal cusub oo garoonka laga hirgeliyay

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xarigga ka jaray Terminal cusub oo garoonka laga hirgeliyay

February 10, 2026
Soomaaliya iyo Algeria oo kala saxiixday heshiis is afgarad oo labada dhinac ah

Soomaaliya iyo Algeria oo kala saxiixday heshiis is afgarad oo labada dhinac ah

February 10, 2026

Guddoomiye Siidka ayaa yiri “Waxa uu maamulka Dagamada Warshiikh aad uga xunyahay wararka ka baxay qaar ka mid ah warbaahinta gudaha kaasoo ah kuwa aan dhiirgalinaynin nabada iyo dib u hishiisiinta dadka walaahah ah ee khilaafka u dhaxeeya. Waxa uu maamulka Degamda Warshiikh uga digayaa Dadka sheeganaya mas’uulliyiin dhaqan iyo siyaasiyiin in ay ka joogaan wararka la siyaasadeeyay ee gaas iyo dab ku sii shidaya khilaafka dadka wada dhashay. Waxaan hey’adaha amniga iyo garsoorka ee heer Gobol iyo heer Qaran  ka codsanayaa in ay cadaalada horkeenaan dadkaasi afka ku hurinaya colaadaha degmada Warshiikh. Waxaana sidoo kale dhammaan dadka ka soo jeeda deegaanada dirirta ka dhacday ugu baaqayaa in ay kaalin nabadeed ka qaataan xasalinta iyo nabadaynta dadkaasi walaalaha ah”.

Guddoomiyaha ayaa markale ku baaqay in walaalaha ku dagaallamay tuulooyinka Muungaab iyo Gumarrow ee Degmada Warshiikh  ay joojiyaan hulufka colaadeed kana shaqeeyaan nabada iyo xasiloonada deegaaanadooda.

Previous Post

Madaxweynaha oo Kismaayo uga qayb galay Munaasabad Tababar loogu soo xirayay Ciidamadda Jubbaland

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo uga tacsiyeysay Dowladda Djibouti geerida Danjire Roble Olhaye

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo uga tacsiyeysay Dowladda Djibouti geerida Danjire Roble Olhaye

𝐌𝐢𝐧𝐢𝐬𝐭𝐞𝐫 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐬𝐚𝐥𝐚𝐦 𝐀𝐛𝐝𝐢 𝐀𝐥𝐢 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐯𝐞𝐬 𝐢𝐧 𝐀𝐝𝐝𝐢𝐬 𝐀𝐛𝐚𝐛𝐚 𝐟𝐨𝐫 𝐭𝐡𝐞 𝟑𝟗𝐭𝐡 𝐀𝐔 𝐒𝐮𝐦𝐦𝐢𝐭

𝐌𝐢𝐧𝐢𝐬𝐭𝐞𝐫 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐬𝐚𝐥𝐚𝐦 𝐀𝐛𝐝𝐢 𝐀𝐥𝐢 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐯𝐞𝐬 𝐢𝐧 𝐀𝐝𝐝𝐢𝐬 𝐀𝐛𝐚𝐛𝐚 𝐟𝐨𝐫 𝐭𝐡𝐞 𝟑𝟗𝐭𝐡 𝐀𝐔 𝐒𝐮𝐦𝐦𝐢𝐭

February 10, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Ali has arrived in Addis Ababa to participate in the...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xarigga ka jaray Terminal cusub oo garoonka laga hirgeliyay

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xarigga ka jaray Terminal cusub oo garoonka laga hirgeliyay

February 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray Terminaalka cusub ee Arimas, oo laga...

Soomaaliya iyo Algeria oo kala saxiixday heshiis is afgarad oo labada dhinac ah

Soomaaliya iyo Algeria oo kala saxiixday heshiis is afgarad oo labada dhinac ah

February 10, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, iyo Wasiirka Cadaaladda dowladda Aljeeriya, Mudane Lotfi Boudjemaa, ayaa...

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Col. Wills

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Col. Wills

February 10, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamud, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay U Qeybsanaha Arrimaha Difaaca...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In