Thursday, December 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Degmada Warshiikh oo ku baaqay in la joojiyo colaad ka taagan deegaanno degmada hoos taga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Maamulka Degmada Warshiikh oo ku baaqay in la joojiyo colaad ka taagan deegaanno degmada hoos taga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Degamda Warshiikh ee gobolka shabeelaha dhexe ayaa ugu baaqay dadka walaalaha ah ee ku dagaalamaya tuulooyinka Muungaab iyo Gumaroow in ay si deg deg ah ku joojiyaan xabada, ayna ogaadaan in dagaal uu wiil ku dhinto, uusan wiil ku dhalan soomaaliyana ay xiligaan ka soo daashay dagaalo ahli ah.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha degmada Warshiikh Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) ayaa lagu sheegay in mar waliba ka go’antahay ka shaqeynta nabadaynta iyo dib-u-hishiisiinta dadka degan tuulooyinkaas ee ay dirirta ka dhacday, lagana codsaday inay aqbalaan gogosha dib-u-heshiisiineed oo uu ku dhawaaqay Maamulka Dagamada, isagoo la kaashanaya Culumu’idiinka Deegaanka, Dhaqanka, Aqoonyahanada, Maamulka heer Gobol iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

December 25, 2025
Muqdisho oo Qoreysa Taariikh Cusub.

Muqdisho oo Qoreysa Taariikh Cusub.

December 25, 2025

Guddoomiye Siidka ayaa yiri “Waxa uu maamulka Dagamada Warshiikh aad uga xunyahay wararka ka baxay qaar ka mid ah warbaahinta gudaha kaasoo ah kuwa aan dhiirgalinaynin nabada iyo dib u hishiisiinta dadka walaahah ah ee khilaafka u dhaxeeya. Waxa uu maamulka Degamda Warshiikh uga digayaa Dadka sheeganaya mas’uulliyiin dhaqan iyo siyaasiyiin in ay ka joogaan wararka la siyaasadeeyay ee gaas iyo dab ku sii shidaya khilaafka dadka wada dhashay. Waxaan hey’adaha amniga iyo garsoorka ee heer Gobol iyo heer Qaran  ka codsanayaa in ay cadaalada horkeenaan dadkaasi afka ku hurinaya colaadaha degmada Warshiikh. Waxaana sidoo kale dhammaan dadka ka soo jeeda deegaanada dirirta ka dhacday ugu baaqayaa in ay kaalin nabadeed ka qaataan xasalinta iyo nabadaynta dadkaasi walaalaha ah”.

Guddoomiyaha ayaa markale ku baaqay in walaalaha ku dagaallamay tuulooyinka Muungaab iyo Gumarrow ee Degmada Warshiikh  ay joojiyaan hulufka colaadeed kana shaqeeyaan nabada iyo xasiloonada deegaaanadooda.

 

 

Previous Post

Madaxweynaha oo Kismaayo uga qayb galay Munaasabad Tababar loogu soo xirayay Ciidamadda Jubbaland

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo uga tacsiyeysay Dowladda Djibouti geerida Danjire Roble Olhaye

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo uga tacsiyeysay Dowladda Djibouti geerida Danjire Roble Olhaye

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

December 25, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga dhiibtay codkiisa doorashada Golaha Deegaanka ee...

Muqdisho oo Qoreysa Taariikh Cusub.

Muqdisho oo Qoreysa Taariikh Cusub.

December 25, 2025
0

Magaalada Muqdisho waxay maanta qortay taariikh baal dahab ah ka gashay sooyaalka siyaasadeed ee Soomaaliya, kaddib markii si wadajir ah...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka kobaad ee dalka oo codkiisa saakay ka dhiibtay D.Hodan ee gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka kobaad ee dalka oo codkiisa saakay ka dhiibtay D.Hodan ee gobolka Banaadir.

December 25, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo gudanaya waajibaadkiisa muwaadinimo kana qayb-galaya doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee...

Doorashada Golaha Deegaanka oo ka bilaabatay saakay 16-ka Degmo ee gobolka Banaadir.

Doorashada Golaha Deegaanka oo ka bilaabatay saakay 16-ka Degmo ee gobolka Banaadir.

December 25, 2025
0

Magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah u bilaawday doorashada Golaha Deegaanka 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir, taasoo ah mid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In