Thursday, April 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ”Argagixisada waan ka adkaaneynaa, mana lahan awood ay shacabka la-haysteyaal uga dhigaan”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo Kismaayo uga  qayb galay Munaasabad Tababar loogu soo xirayay Ciidamadda Jubbaland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 26 July, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii argagixisonimo ee maanta kooxaha nabad-diidka ku qaadeen hotel Jasiira oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ujeeddada argagixisada ay tahay inay hor istaagaan rabitaanka shacabka oo ah inay nabad iyo barwaaqo gaaraan, taasina aaney marnaba dhici karin.

Related posts

Wasiir Fiqi oo ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga & xoojinta Xasillinta dalka

Wasiir Fiqi oo ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga & xoojinta Xasillinta dalka

April 22, 2026
Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

April 22, 2026

“Waxaan u tacsiyeynayaa dhammaan dadkii wax ku noqdey falkan argagixisonimo. Waxaana caafimaad degdeg ah u rajeynayaa dadkii ku dhaawacmey weerarkaasi waxashnimada oo aan wax shuqul ah ku lahayn diinteena saliimka ah. Waan hubaa inaan argagixisada ka adkaaneyno, marnababa ma dhacayso inay shacabka ka dhigtaan la-haysteyaal”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hawlgallada milateri ee sida wadajirka ay u fulinayaan ciidammada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay khalkhal weyn ku abuureen argagixisada, taasina ay dhalisey inay iyagoo naf la caarri ah ay beegsadaan shacabka.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ku boorriyay ciidammada amniga inay kordhiyaan feejignaantooda, isla markaana ay soo dedejiyaan hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha nabad diidka.

-DHAMMAAD-

 

Previous Post

Wasaaradda amniga gudaha oo ka hadashay qaraxa ka dhacay Hotel Jazeera

Next Post

Guddiga Madaxa bananaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo hogaan doortay

Next Post
Dhoolatus ay sameynayaan ciidanka booliska oo Muqdisho ka socda

Guddiga Madaxa bananaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo hogaan doortay

Wasiir Fiqi oo ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga & xoojinta Xasillinta dalka

Wasiir Fiqi oo ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga & xoojinta Xasillinta dalka

April 22, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay Madasha Qaran ee Isku Duwidda Xasilinta ayaa...

Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

April 22, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa Talaadadii ka...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

In ka badan 30 ka tirsan Khawaarijta oo howlgallo lagu dilay

April 21, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu dilay in ka badan...

Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

April 21, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu dadweynaha ku wargelinayaa in xogta rasmiga ah ee la xiriirta howlaha baarista, hantidhowrista,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In