Thursday, May 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaaraha oo cambaareeyay weerarkii Argagixiso ee lagu qaaday Hotel Jazeera

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, July 26, 2015…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa si kulul u cambaareeyey weerarka argagaxiso ee galabta lagu qaaday Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho, isagoo tilmaamay weerarkaasi inuu ahaa mid la rabay in lagu wiiqo horumarka iyo dib usoo kabashada dala iyo dadka Soomaaliyeed, isla markaana ahaa mid ka baxsan dhammaan dhaqanka diinta Islaamka iyo damiirka bani aadantinimada.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in weerarada noocan ah ee lagu bartilmaameed-sanayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan uu marqaati u yahay fekerka khaldan ee argagixisada, waxuna shacabka ugu baaqay in ay u midoobaan sidii loo dhammeystiri lahaa haraadiga cadowga diidan jiritaankooda.

Related posts

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

May 20, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

May 19, 2026

“Falkii Argagixiso ee galabta lagu qaaday Hotel Jazeera wuxuu mar kale cadeeyey sida ay kooxdan waqtigeedu sii dhamaanayo uga go’an tahay daadinta dhiigga dadkeena qiimaha badan, laguna hakinayo nabadda iyo horumarka aan maanta haysano, waxaan u sheegayaa argagixisada weerarada noocan ah in marnaba aysan qaranka Soomaaliyeed ka leexin doonin waddada horumarka iyo dawladnimada”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa xusay in Ciidamadda Soomaaliyeed iyo walaalahooda AMISOM ay gobollada dalka ka wadaan howlgallo ballaaran oo xididada loogu siibayo haraadigooda, guulna laga gaaray, dhawaana laga sifayn doono deegaanada kooban ee ay dhuumaalaysiga ku joogaan, dadka shacabka ahna laga doonayo in ay gacan siiyaan ciidamadda amniga si looga guuleysto cadowga ummada Soomaaliyeed ee baneystay daadinta dhiiga dadkeena.

Ugu danbeyn, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa tacsi u diray qaysaskii iyo saaxiibbaddii dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkan maanta ka dhacay Hotelka Jazeera.

—-DHAMMAAD—-


 

Previous Post

NUSOJ oo ka tacsiyeeysay weriye ku dhintay qaraxii Hotel Jazeera

Next Post

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo ka hadlay weerarkii Hotel Jazeera

Next Post
Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo farriin U diray maamul Goboleedyada dalka ka jira

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo ka hadlay weerarkii Hotel Jazeera

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

May 20, 2026
0

Kaaliyaha Taliska Xoogga Dalka Soomaliyeed Gen Maadey Nuurey Sheekh ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee caasimada ku meelgaarka ah ee Koofur...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

May 19, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Buurhakabo...

Taliyaha Hay’adda NISA oo la kulmay Imaam Daahir Imaam Maxamuud

Taliyaha Hay’adda NISA oo la kulmay Imaam Daahir Imaam Maxamuud

May 19, 2026
0

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa maanta degmada Gubadley ee Gobolka Banaadir kulan...

Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka Isku Aadka Qaramada Afrika loo qori tuuray

Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka Isku Aadka Qaramada Afrika loo qori tuuray

May 19, 2026
0

Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ayaa shaaciyay isku aadka isreeb-reebka heerka Groupyada ee tartanka Qaramada Afrika ee 2027, iyadoo munaasabad weyn...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In