Taliyaha Boliiska Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xassan Xaamud ayaa kala hadlay Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Iskaashiga Boliiska labada Dal iyo sidii Turkiga uu gacan uga geysan lahaa dhismaha iyo qalabeynta Ciidamadda Boliiska.
Kulan ka dhacay Xafiiska Taliyaha Ciidamadda Boliiska Soomaaliyeed Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud ayaa looga hadlay Wadashaqayn dhexmarta Labada Boliis ee Turkiga iyo Soomaaliya taasoo kor u qaadi doonta Tayada Ciidamadda Boliiska oo hadda si dar-dar leh ku shaqaynaya.
Taliyaha Boliiska Soomaaliya Sareeyo Gaas Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xamuud ayaa sheegay in safiirka uu ka Guddoomay Dhambaal uu uga waday Dhiggiisa Turkiga, isagoo intaa raaciyay in laga wada hadlay iskaashi dhexmara Labada Boliis.
“waxaan ka wada hadalnay aniga iyo saraakiishayda iyo Diblumaasiyiinta aan la kulannay in la xoojiyo Xiriirka labada ciidan Boliis, xiriirkaa soo horay u jiray Maadaama aan aniga meesha ku cusbahay waxaan rabnaa in la xoojiyo Awoodda Ciidanka, Boliiska waa mid 71 jirsaday waana hay’adda ugu faca weyn, waana hay’adda kaliya oo ummadda ay ka sugayso Shaqooyin badan, Maadama Dowladdu ay si fiican Awood u leheen waxaan rabnaa in la xoojiyo Taageerada Dowladaha Caalamka ay siinayaan Hayadaha Dowladda ugu sareeya” ayuu yiri Taliyaha Boliiska Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud.
Dhanka kale Taliyaha Boliiska ayaa sheegay in maalmahan uu ku howlanaa dib u tayaynta Ciidankaka Boliiska isagoo Yiri.
“Ciidamadda Boliiska waxa uu maal mahan ku Howlanaa dib u Dhiska Awoodda Ciidannimadiisa iyadoo ay aad u liitaan Duruufaha ay ku shaqaynayaan, waxaana Rajaynaynaa inaan innaga oo caalamka la kaashanayno Si awood badan u dhisno Awoodda shacabka oo ah tan ciidanka Boliiska”.