Thursday, March 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ururka Dhagoolayaasha Qaranka Soomaaliyeed oo ka qeybgalay shirweynaha dhagoolayaasha caalamka+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ururka Dhagoolayaasha Qaranka Soomaaliyeed oo ka qeybgalay shirweynaha dhagoolayaasha caalamka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ururka Dhagoolayaasha Qaranka Soomaaliye ee marka la soo gaabiyo lo yaqaano SONAD ayaa ka qayb galay shirkii golaha guud ee urur waynaha Dhagoolada Caalamka World Federation of the Deaf (WFD) oo lagau qabtay magaalada Istanbul, ee dalka Turkaga. Waa markii ugu horeysay taariikhda oo ay Somaaliya ka qayb gasho. Shirkaan ayaa waxaa ka qayb galay wufuud ka socoto in ka badan 132 dal oo ka kale yimid qaaradaha aduunka.

Gudoomiyaha Ururka Dhagoolayaasha qaranka Soomaaliya Abubakar Shiikh Cabdulle oo shirkaas ugu qayb galay dhagoolada Soomaaliyeed  ayaa ka hadlay shirka isaga ayaa nuux nuuxsaday sida ay muhiim u tahay in is badal dhinaca maamul ka iyo maareynta lagu sameeyo ururka Dhagoolada caalmaka si wadamada soo korayo ay fursad ugu heleen  ka qayb galka hogaaminta ururka. Waa markii ugu horeysay oo Somaaliya ka qayb gasho shirka dhagoolada caalamaka oo calanka Soomaaliya laga taaago shirwaynaha Dhagoolada aduunka.

Related posts

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026

Abubakar shiikh oo u hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in uu aad iyo aad ugu faraxsanyahay in uu arko calankii Soomalaiyeed oo ka dhax muuqdo calamada aduunka. Abubakar ayaa yiri, “ aad iyo aad baan ugu faraxsanahay in aan arko calankeenii Soomaaliya oo ka dhax babanayo calamada aduunka. Tani waxay ka turjumeysaa in Soomaaliyea ay hore u socoto isla markaana ku soo laabaneyso kaalintii ay ku lahayd caalamka” sidoo kale Deeqo Cusmaan oo ayadana ka qayb gashay shirka ayaa sheegtay in ay aad iyo aad ugu faraxday in ay aragto soomaaliya  oo laga aqoonsaday isku taga Dhagoolada caalmaka isla markaana kaalin buuxdo ka qaadatay shirka.

Waa guul u soo hoyatay shacabka soomaaliyeed  oo ay keeneen Dhagoolada Soomalaiyeed. Dhagoolada Soomaaliyeed aya ku nool xaalada ugu xun ee ay haystato dadka cuuryaaminta ah. Dhagoolada Soomalaiyeed ma heleen daryeel xaga waxbarasho iyo shaqo. Abubakar ayaa sheegay in uu rajeynayo in guuushaan ay gaareen ay ka saacidi doonto in dowlada Soomaaliye ay wax ka qabaato dhibaatada xaga waxbarasho iyo shaqo ee heystao Dhagoolada Soomaaliyeed.   Asiga oo sidoo kale ugu baaqaday Dowlada Soomaaliyeed in ay saxiixdo Convention Rights of Persons with Disability. Soomaaliya ay ka mid ah dalalka yar  oo aanan wali saxiixin heshiiskaan oo loogu tala galay in la siiyo xuquuqda dadka aanan lexdooda lixaad dhameyn.

Muse Xasan Kadle oo ah hoghayaha Guud ururka Dhagoolayaasha qaranka Soomaaliyeed  ahna maamulaha iskuulka Dhagoolada Soomaaliyeed ee ku yaalo magalada muqdisho ayaa baaq gooni ah u direy wasaarada waxbarasha oo uu ka codsadey in ay ka saacadio sidii ay waxbarasho ugu heli laheeyeen caruurta Dhagoolada Soomaaliyeed. Sidoo kale Gudoomiyaha ku xigeenka SONAD, Cusmaan Maxamed Nuur ayaa sheegay hadii taageero ay ka heli lahayeen shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed ay horumar wayn gaarsiiin lahayeen Dhagoolada Soomalaiyeed sid kor u qaadidada tayada waxbarasho iyo abuurid Shaqo.

1 2 3 4 5 6 7 8 9

 

Previous Post

Madaxweynaha oo maanta furay shir caalami ah oo looga hadlayo horumarka Soomaaliya “Sawirro”

Next Post

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo kormeeray xarumaha ciidamada ammaanka ee degmada Cadaado+Sawirro

Next Post
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo kormeeray xarumaha ciidamada ammaanka ee degmada Cadaado+Sawirro

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo kormeeray xarumaha ciidamada ammaanka ee degmada Cadaado+Sawirro

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
0

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo kaashaneysa Hay’adda Al-Mahasin Foundation, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026
0

Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa soo bandhigay qeyb ka mid ah istiraatiijiyadda cusub ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

March 18, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maalintii labaad magaalada...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

March 18, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), waxay si dhow ula socotaa xaaladaha ka soo cusboonaaday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In