Tuesday, August 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ururka Dhagoolayaasha Qaranka Soomaaliyeed oo ka qeybgalay shirweynaha dhagoolayaasha caalamka+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 29, 2015
in Wararka
0
Ururka Dhagoolayaasha Qaranka Soomaaliyeed oo ka qeybgalay shirweynaha dhagoolayaasha caalamka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ururka Dhagoolayaasha Qaranka Soomaaliye ee marka la soo gaabiyo lo yaqaano SONAD ayaa ka qayb galay shirkii golaha guud ee urur waynaha Dhagoolada Caalamka World Federation of the Deaf (WFD) oo lagau qabtay magaalada Istanbul, ee dalka Turkaga. Waa markii ugu horeysay taariikhda oo ay Somaaliya ka qayb gasho. Shirkaan ayaa waxaa ka qayb galay wufuud ka socoto in ka badan 132 dal oo ka kale yimid qaaradaha aduunka.

Gudoomiyaha Ururka Dhagoolayaasha qaranka Soomaaliya Abubakar Shiikh Cabdulle oo shirkaas ugu qayb galay dhagoolada Soomaaliyeed  ayaa ka hadlay shirka isaga ayaa nuux nuuxsaday sida ay muhiim u tahay in is badal dhinaca maamul ka iyo maareynta lagu sameeyo ururka Dhagoolada caalmaka si wadamada soo korayo ay fursad ugu heleen  ka qayb galka hogaaminta ururka. Waa markii ugu horeysay oo Somaaliya ka qayb gasho shirka dhagoolada caalamaka oo calanka Soomaaliya laga taaago shirwaynaha Dhagoolada aduunka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

August 25, 2025
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

August 25, 2025

Abubakar shiikh oo u hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in uu aad iyo aad ugu faraxsanyahay in uu arko calankii Soomalaiyeed oo ka dhax muuqdo calamada aduunka. Abubakar ayaa yiri, “ aad iyo aad baan ugu faraxsanahay in aan arko calankeenii Soomaaliya oo ka dhax babanayo calamada aduunka. Tani waxay ka turjumeysaa in Soomaaliyea ay hore u socoto isla markaana ku soo laabaneyso kaalintii ay ku lahayd caalamka” sidoo kale Deeqo Cusmaan oo ayadana ka qayb gashay shirka ayaa sheegtay in ay aad iyo aad ugu faraxday in ay aragto soomaaliya  oo laga aqoonsaday isku taga Dhagoolada caalmaka isla markaana kaalin buuxdo ka qaadatay shirka.

Waa guul u soo hoyatay shacabka soomaaliyeed  oo ay keeneen Dhagoolada Soomalaiyeed. Dhagoolada Soomaaliyeed aya ku nool xaalada ugu xun ee ay haystato dadka cuuryaaminta ah. Dhagoolada Soomalaiyeed ma heleen daryeel xaga waxbarasho iyo shaqo. Abubakar ayaa sheegay in uu rajeynayo in guuushaan ay gaareen ay ka saacidi doonto in dowlada Soomaaliye ay wax ka qabaato dhibaatada xaga waxbarasho iyo shaqo ee heystao Dhagoolada Soomaaliyeed.   Asiga oo sidoo kale ugu baaqaday Dowlada Soomaaliyeed in ay saxiixdo Convention Rights of Persons with Disability. Soomaaliya ay ka mid ah dalalka yar  oo aanan wali saxiixin heshiiskaan oo loogu tala galay in la siiyo xuquuqda dadka aanan lexdooda lixaad dhameyn.

Muse Xasan Kadle oo ah hoghayaha Guud ururka Dhagoolayaasha qaranka Soomaaliyeed  ahna maamulaha iskuulka Dhagoolada Soomaaliyeed ee ku yaalo magalada muqdisho ayaa baaq gooni ah u direy wasaarada waxbarasha oo uu ka codsadey in ay ka saacadio sidii ay waxbarasho ugu heli laheeyeen caruurta Dhagoolada Soomaaliyeed. Sidoo kale Gudoomiyaha ku xigeenka SONAD, Cusmaan Maxamed Nuur ayaa sheegay hadii taageero ay ka heli lahayeen shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed ay horumar wayn gaarsiiin lahayeen Dhagoolada Soomalaiyeed sid kor u qaadidada tayada waxbarasho iyo abuurid Shaqo.

1 2 3 4 5 6 7 8 9

 

Previous Post

Madaxweynaha oo maanta furay shir caalami ah oo looga hadlayo horumarka Soomaaliya “Sawirro”

Next Post

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo kormeeray xarumaha ciidamada ammaanka ee degmada Cadaado+Sawirro

Next Post
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo kormeeray xarumaha ciidamada ammaanka ee degmada Cadaado+Sawirro

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo kormeeray xarumaha ciidamada ammaanka ee degmada Cadaado+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

August 25, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray dalka Shiinaha, halkaas oo uu uga qayb gali...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

August 25, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda kulan kula qaatay Masuuliyiin...

War-murtiyeedka shirka Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

War-murtiyeedka shirka Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

August 25, 2025
0

Iyadoo la tixgelinayo muhiimadda midnimada Qaran, xasilloonida siyaasadeed iyo dowlad-wanaagga loo dhan yahay, isla markaana mudnaanta la siinayo geedisocodka dowlad-dhiska...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

August 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta SoDMA, lacag dhan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In