Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirweynaha Ururka Suxufiyiinta Bariga Africa oo Nairobi Lagu gebagebeeyay, Hoggaan Cusubna Doortay+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Shirweynaha Ururka Suxufiyiinta Bariga Africa oo Nairobi Lagu gebagebeeyay, Hoggaan Cusubna Doortay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirweyne aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen wadamada ku mideysan Ururka Suxufiyiinta Bariga Africa ee loo magiciisa loo soo gaabiyo (EAJA) oo ay ka mid yihiin  Somalia, Djibouti, Uganda, Tanzania, Seychelles, Rwanda, Burundi, Ethiopia and Eritrea, hotelka Monarch ee magaalada Nairobi 30-31 Luulyo, 2015.

Shirweynaha ayaa ujeedadiisu tahay sidii oo loo soo afmeeri lahaa khilaafka muddada sanadka ah jira ee ka dhex jira urur goboleedka ee la xiriira dhinaca hoggaanka, taasoo magaca ururka dhaawac khatar ah u geysatay.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026

Shirweynaha  oo ay martigelineyeen ururada Suxufiyiinta ee Kenya ee KCA iyo KUJ ayaa waxaa soo abaabulay ururka Suxufiyiinta Africa iyo Xafiiska Ururka Suxufiyiinta Adduunka xafiiskiisa Africa, iyadoo dhaqaale ahaana ay taageereen deeq bixiyaal dhowr oo ay ku jirto safaarada dalka Canada ku leeyahay magaalada Nairobi.

Urur horeyn waxaa meesha furitaanki ka hadlay Wiliam Oloo Janaak oo ah Guddoomiyaha Ururka Kenya Correspondents Association (KCS) iyo  Eric Oduor oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Kenya (KUJ) oo martigelinayay shirka oo ay soo qabanqaabiyay xafiiska Ururka Suxufiyiinta Africa, oo ah urur goboleedka ururka suxufiyiinta Adduunka (IFJ).

Gudduuomiyaha FAJ, Maxamed Garba oo ayaa furitaanka shirka qiray in dhibaatooyin adag ay heystaan suxufiyiinta bariga Africa  oo ay ka mid yihiin, xarig, dil, dhibaateyn iwm, isagoo tilmaamay in midnimo looga gudbi doono. Shirka waxaa kale oo ka soo qeyb galay wakiilo ka socdo Safaaradda Canada ee Nairobi, Hay’adda FES oo labaduba dhinaca dhaqaalaha ka taageerayay shirka, Xoghayaha Fulinta ee Golaha Qareenada Caalamiga ah (ICJ), Xoghayaha Fulinta ee Golaha Warbaahinta Kenya.

Labo maalmood oo shirku socday ayaa maalintii shalay ee furitaanka shirka kadib, waxaa goobta lagu shaaciyay buugyare oo ay iska kaashadeen ururka suxufiyiinta bariga Africa iyo Kan Africa oo lagu magacaabo Investigative journalism and corruption.

Ugu dambeyntii, ka soo qeybgalayaasha shirka oo metelay 11 dal oo Bariga Africa ah ayaa waxaa meesha ku doorteen hoggaan cusub, iyadoo doorashaduna ay u dhacday hab cadcadaan ah. Waxaana Guddoomiye loo doortay – Abraham Antenneh (Ethiopia), Guddoomiye Ku xigeenka koowaad, Mr Eric Oduor (Kenya), Guddoomiye ku xigeen – Marwo Aisha Youssouf (Djibouti), Xoghaye Guud– Mr Alexandre Niyungeko (Burundi),  Qasnaji– Marwo Saphia Ngalapi (Tanzania), La taliye– Stephen Ouma Bwire (Uganda),  La Taliye– Marwo Maureen Mudi (Kenya).

Guddoomiye ku xigeenka Ururka Suxufiyiinta Africa  (FAJ) Marwo, Maria Luisa Rogerio, oo shir guddoomineysay shirka intii doorashayooyinka socdeen, heysatayna sharciyad ah in ay shirkaas ay qabtaan oo ay u talo saarteen ururada ku mideysan EAJA ayaa kadib shir guddoonka wareejisay markii doorashadu dhacday.

Qabsoomidda shirweynaha iyo doorashada hoggaanka cusub ayaa wax badan ka bedeli doonta howlaha ururka u qabanayo wadamada uu sida tooska u metelo. Waxaa kali ah oo aan shirka ka soo qeyb gelin dalka Suudaan.

bariga unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed

 

Previous Post

Barnaamijka kulanka todobaadka oo looga hadlay hiigsiga 2016-ka”Dhageyso+Sawiro”

Next Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In