Tartankani Kubada cagta ah ee degmooyinka gobalka Banaadir ayaa waxaa furay Guddoomiye ku-xigeenka siyaasada ee Maamulka gobalka, iyadoo ay kasoo qeyb galeen maamulada 17degmo ee gobalka banaadir, xubno ka socday Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya iyo dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka, waxaana tartanka lagu daah furay Degmooyinka Cabda Caciis iyo Yaaqshiid oo group A ku wada jira.
Cayaarta kubadda cagta ee u dhaxeysay labada koox ee C/casiis iyo Yaaqshid ayaa aheyd mid aad uu xisa badan oo labada kooxba ay soo bandhigeen ciyaar qurux badan oo soo jiitay dhamaan dadkii u soo daawasho tegay goroonka waxayna cayaartaasi ku soo gaba gabootay 5-1 oo ay guusha ku raacday kooxda ku cayaaraysay magaca Degmada Yaaqshiid
Ku-simaha guddoomiyaha xiriirka kubada cagta Soomaaliyed ahna gudoomiye ku-xigeenka xiriirka kubada cagta Cali Cabdi Maxamed โCali shineโ oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in tartanka isboorti uu qeyb lixaad leh ka qaadan karo isdhexgalka bulshada
โSanadkan waa sanadkii saddexad ee la qabto tartankaani, waa 2011, 2014 iyo 2015 oo hada ah, waxaa loo baahanyahay in maamulka gobalka Banaadir uu sii xoojiyo is dhaxgalka blshada, wuxuu qeyb weyn ka qaadanaaya nabada iyo isdhaxgalka bulshada dhallinyarada, waxaan kula dar daar maya in ay soo bandhigaan cayaar wanaagโ ayuu yiri Cali Shiino.
Guddoomiyaha Degmada C/caziis ee gobalka Banaadir Cismaan Muxuyadiin Cali Cariif ayaa sheegay in dadka reer C/casiis ay sharaf u tahay in markii saddexaad ay marti galiyaan cayaaraha kubadda cagta degmooyinka gobalka banaadir.
โMarka ku soo dhawaada degmada C/caziis waxaan ku faraxsanahay in tartankani markiisa saddexad lagu qabto Degmada, waxaana rajeyneynaa in aan ku guuleysano, maamulka gobalka banaadir iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka gobalka banaadir ku soo dhawaada Garoonka Banaadir Stadiumโ.
Guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda ee maamulka gobalka Banaadir Axmed Maxamed Diiriye ayaa tilmaamay in maamulka gobalka uu ahmiyad gaar ah sii naayo isdhaxgalka bulshada, isagoo dhinaca kale ugu baaqay kooxaha cayaaraya tartankani in ay soo bandhigaan cayaar wanaag.
โMaamulka gobalka banaadir ujeedkiisu waa in uu horumarinyo is dhaxgalka bulshada iyo dhallinyarada oo la muujiyo doorkooda, waxaan ugu baaqaya dhallinyarada cayaaraysa, tartankaani in ay soo bandhigaan cayaara heer keedu uu sareeyo si ay fursad ugu noqoto in ay u cayaaran Qarankaโ
Beri ayaa lagu wadaa in laba kulan la ciyaaro kulanka hore waxaa wada cayaari doona Warta Nabadda iyo Shibis, halka kulanka xiga ay is arki doonaan Shangaani iyo Heliwaa.