Tuesday, April 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baaq loo diray Ahlusunna waljamaaca

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Baaq loo diray Ahlusunna waljamaaca
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ururada Haweenka Gobollada Banaadir iyo Shabeellaha Dhexe ayaa Baaq u diray Maamulka Culimada Ahlusunna waljamaaca kaas oo ku aadan in dib xuriyadooda loo siiyo wariyaasha wali u xiran Maamulkas.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka shabellaha dhexe Sacdiyo Maxamed Nuur oo  la hadashay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa Sheegtay in ay ahayd Ahlusunna inay ka fiirsato kahor inta aysan xarig ama Hanjabaad ugaysan wariyaasha,  iyadoo si shuruud la,aan ah ugu baaqday Maamulka Ahlusunna inay ku Siidaayaan wariyaasha Maalintii labaad gacanta ugu jira.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026

“ wa inay sii daayaan wariyaasha Ahlusunna waqti lays mucaarado ama lays faquuqo lagu ma jiro, Umadda Soomaliyeed waxaan leeyahay Aan iskaashanno “ Ayey tiri Guddoomiye Sacdiyo Maxamed Nuur.

Guddoomiyaha Ururka haweenka Gobolka banaadir jabaahir Baarqab ayaa iyana farriin baaq ah u dirtay Ahlusunna waljamaaca kaas oo ku Aadan in dib xoriyaddooda loo siiyo wariyaasha u xiran maamulka culimada Ahlusunna kuwaas oo ay ku haystaan inay ku qasbaan awamiir ay iyagu soo saareen dhawaan jawaahir ayaa tiri

“ waxaan ka Codsanaynaa Ahlusunna  in ay soo daayaan wariyaasha Xiran, Wixii Siyaasad ah Bannaanka ayay ka yihiin Wariyaasha, Saxafigu Xushmad Buu Rabaa Waa midka isku xira dalka iyo dibadda, Saxafigu waxa uu u baahan yahay Naxariis, Wuxuu ku shaqeeyaa Duruufo adag” Ayey Sheegtay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir jawaahir Baarqab.

Muddo labo Maalin ah ayey si xushmad darro ah ugu xiran yihiin Maamulka Ahlusunna waljamaaca Wariyaal gaaraya 5 wariye oo si qasab ah maamulkaas uu doonayo inuu uga dhaadhiciyo Fikradda ay Ahlusunna doonayso inay ku shaqayso ama jeceshahay taas oo ka madax bannan Xoriyadda hadalka.

 

 

 

Previous Post

Haweenka oo isku Diyaarinaya Hiigsiga Cusub ee Sanadka 2016’ka

Next Post

Wasiirka warfafinta” maaha in sida xoolo meel lagu soo xirto qof gudanaya waajibkiisa Shaqo”

Next Post
Wasiirka Warfaafinta oo sheegay in beesha caalamka ay bogaadisay horumarka dowladda “Dhageyso”

Wasiirka warfafinta" maaha in sida xoolo meel lagu soo xirto qof gudanaya waajibkiisa Shaqo"

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa maanta ka qaybgalay kulan ku saabsan doorka...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali ayaa kulan kula yeeshay xarunta...

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

April 13, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka...

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

April 13, 2026
0

Golaha Wasiiradda XJFS ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, xilkaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In