Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xafladda sanadguuradda labaad ee Idaacadda wadaag oo maanta lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Xafladda sanadguuradda labaad ee Idaacadda wadaag oo maanta lagu qabtay Muqdisho+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu xusayay sanad guuradii Labaad ee ka soo wareegtay furitaankii Idaacadda Wadaag ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Xafladda oo uu soo qaban qaabiyay maamulka Idaacadda Wadaag ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Warfaafinta oo uu ka mid ahaa agaasimaha Radio Muqdisho C/raxiim Ciise Caddoow, agaasimaha waaxda qoraalka iyo wax soo saarka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Liibaan Cabdi Cali, mas’uuliyiin ka tirsan bahda warbaahinta madaxa bannaan iyo marti sharaf kale.

Related posts

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025

Intii ay socotay xafladda ayaa waxaa lagu soo bandhigay waxqabadka iyo horumarka Idaacaddaasi, iaydoo mas’uuliyiintii ka hadashay halkaasi ay maamulka iyo shaqaalaha idaacaddaasi ugu hambalyeeyeen waxqabadkooda ku aaddan u adeegidda bulshada Soomaaliyeed iyo tebinta wararka iyo barnaamijyada waxtarka leh ee  u qotoma waddaniyadda.

Agaasimaha Idaacadda Radio Muqdisho C/raxiim Ciise Caddoow ayaa ku boorriyay maamulka iyo howlwadeennada Idaacaddaasi iney kordhiyaan dadaalkooda, islamarkaana ay ku shaqeeyaan masaalixda dalka iyo dalka Soomaaliyeed, isagoo ku dheeraaday ahmiyadda ay warbahintu u leedahay bulshada.

Marwo Nuurto Maxamed Caddoow oo ku hadashay magaca haweenka Soomaaliyeed ayaa ku amaantay maamulka iyo shaqaalaha Idaacadda wadaag, sida wanaagsan oo ay bulshada ugu shaqeeyeen mudadii labada sano aheyd, iyagoo kula dardaarantay howlwadeenada Idaacadda ineey laba jibbaaraan dadaalkooda, islamarkaana ay ka qeeybqaataan horumarka dalka iyo dadka.

Agaasimaha Idaacaddaasi Maxamed “Dalnuurshe” ayaa ka warbixiyay waxqabadka idaacadda muddadii ay jirtay, isagoo abaalmarinno guddoonsiiyay hey’addo wadashaqeyn la leh idaacadda Wadaag  iyo qaar ka mid ah shaqaalaha idaacaddaasi.

Idaacadda Wanaag ayaa ka mid ah Idaacadaha madaxa banana eek a howlgala magaalada Muqdisho.

DSC00011 DSC00013 DSC00016 DSC00021 DSC00025 DSC00028 DSC00029 DSC00032 DSC00046 DSC00048 DSC00049 DSC00050

DSC00073

DSC00095

DSC00134

DSC00181

DSC00184

DSC00192

DSC00206

DSC00173

DSC00209

Sawir qaade Farxaan Suleyman Daahir

 

 

 

 

 

 

 

 

Previous Post

Guddoomiyaha degmada Xamarweyne oo tababar u furay xubno ka tirsan guddiga degmadaasi

Next Post

Ciidanka XDS oo howlgallo kula wareegay deegaanno ka tirsan galbeedka gobolka Hiiraan

Next Post
Ciidanka XDS oo howlgallo kula wareegay deegaanno ka tirsan galbeedka gobolka Hiiraan

Ciidanka XDS oo howlgallo kula wareegay deegaanno ka tirsan galbeedka gobolka Hiiraan

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In