Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka XDS oo howlgallo kula wareegay deegaanno ka tirsan galbeedka gobolka Hiiraan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 3, 2015
in Wararka
0
Ciidanka XDS oo howlgallo kula wareegay deegaanno ka tirsan galbeedka gobolka Hiiraan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Saraakiisha ciidanka XDS ayaa faah-faahin  ka bixiyay howlgal ka dhan ah maleeshiyaadka Shabaab oo ay ka billaabeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

Cutubyo ka tirsan ciidanka XDS iyo kuwa AMISOM oo ka ambabaxay Magaalada Beladweyne ayaa u ruuqaansaday Galbeedka Gobolka Hiiraan, si ay halkaasi uga sifeeyaan haraadiga maleeshiyaadka UGUS.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Col. Isaaq Cismaan Idiris oo ka mid ah Saraakiisha ciidanka XDS ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay maleeshiyaad ka tirsan Shabaab ka saareen deegaanno dhowr ah oo ay ku dhuumaaleeysanayeen.

Wuxuu sheegay in dagaal ka dhacay deegaan lagu magacaabo Ceeldheer ay ciidamadu ku dileen maleeshiyaad ka tirsan UGUS kuwaaoo gaaraya Todobo, isaga oo xusay ineey jiraan dhaawacyo kale oo ay la carareen kooxda UGUS.

Col. Isaaq Cismaan Idiris, ayaa intaasi ku daray in ciidamadu ay  gaareen deegaano hor leh oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, kuwaasoo ay ka mid yihiin deegaanka Ceel Cali oo dhaca galbeedka gobolkaasi, isagoo xusay ineey sii wadi doonaan howlgallada noocan ah tan iyo inta haraadiga kooxda laga sifeeynayo dalka oo dhan.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah qorshayaasha ay dowladdu dalka uga xoreeyneyso maleeshiyaadka Shabaab si dalka looga dhigo meel nabad ah oo ka caaggan argagixisada Shabaab.

.

Previous Post

Xafladda sanadguuradda labaad ee Idaacadda wadaag oo maanta lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Next Post

Arday Soomali u Badan oo Ka Qalin Jabisay Jaamacada Raaf ee Magaalada Nairobi”Sawirro”

Next Post
Arday Soomali u Badan oo Ka Qalin Jabisay Jaamacada Raaf ee Magaalada Nairobi”Sawirro”

Arday Soomali u Badan oo Ka Qalin Jabisay Jaamacada Raaf ee Magaalada Nairobi"Sawirro"

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In