Monday, August 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowlada FS oo qorsheynaysa in ay joojiso Gudniinka Fircooniga-FGM.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Dowlada FS oo qorsheynaysa in ay joojiso Gudniinka Fircooniga-FGM.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026
 Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Marwo Sahra Maxamed Cali Samatar ayaa qorsheynaysa in Gudniinka Fircooniga laga mamnuuco dhammaan ga’yiga Soomaaliyeed.
” Waxaa la gaadhay wakhtigii aan cidhibtiri laheyn ku dhaqanka caada’da xun ee Gudniinka Fircooniga ee aan dufaaci laheyn gabdhaheena iyo haweenka xuquuqda ay ku leeyihiin Dalkooda,” ayay tidhi Marwo Sahra , mar ay u warameysay Warbaahinta Horseed Media.
Hadalka Waziirka ayaa ku soo beegmaya wakhti meelo badan oo Dunida aan ku nool nahay laga hadal hayo sidii gabi ahaanba Dunida looga tirtiri lahaa Gudniinka Fircooniga.
In ka badan 125 Malyan oo gabdho iyo haween ah  ayaa dhibane u noqday Gudniinka Fircooniga sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee loo soo gaabiyo WHO.
Gudniinka Fircooniga oo si weyn loogaga dhaqmo dhammaan gayiga Soomaaliyeed iyo wadamada Dunida qaarkood ayay Qaramada Midoobey madnuucnay Sanadkii 2012-ka.
Julie Ward oo ka mid ah Midowga Baarlamaanka Yurub ayaa waxa ay sheegtay in ay ka go’an tahay sidii ay ula dagaalami laheyd Gudniinka Fircooniga, is la markaasta ay u xaqiijin laheyd in hadalka ficil ahaan loo badalo.
Xildhibaanada ayaa intaas ku dartay,  “ol’olaha ka dhanka ah Gundiinka Fircoonigu wuu socon doonaa abid,  waana laga wada munaaqashoon iyada oo la la kaashanayo qeybaha bulshada si wacyiga bulshada kor loogu qaado in ka warqabka ujeedkuna yahay in Fircooniga geedka gunta loogu jaro.
“Waxa aan dooneynaa in hadal heynta  gabdhaha iyo dumarka dhibanaha u noqday la badiyo iyada oo la xusayo dhibka ka soo maray si loo siiyo xaqdhowrka ay mudan yihiin ,” ayay tidhi Julie Ward MEP oo Baarlaamka Midowga Yurub u qaabilsan Xuquuqda Dumarka iyo Sinaanta Jinsiga ee labka iyo dhadiga.
Haweenka Dunida awooda ku leh ayaa waxa ay sanadadii ugu danbeeyay bilaabeen in ay si weyn uga’ hawlgalaan joojinta dhibaatooyinka ku ladhan caada’dan foosha xun ee uu Fircoonkii Ilaahnimada sheegtay uu dhaxalsiiyay Dunida.
Mar ay ka hadleysay Haweenayda madaxa uga ah Haweenka Qaramada Midoobay shir ay ka soo qeyb galeen hay’ada kala ah UNICEF iyo UNFPA bishii Febraayo ayay  Phumzile Mlambo-Ngcuka  arinka Gudniinka Fircooniga (GF) ku tilmaantay in uu yahay “Hoog iyo halaag lagula kaco gabdhaha jidhkooda.”
Waziirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska ee Puntland Marwo Aniisa C/Qaadir Xaaji Mu’min oo marar badan la hadashay saxaafada Gobalka iyo Puntland Today ayaa sheegtay in ay wax qabadka horumarinta Haweenka oo ay ka mid tahay dabargoynta caada’da Gudniinka Fircooniga ay xooga saari doonto iyada oo lagu jaangoynayo waxay diinta Islaamku ka qabto.
” Ma jirto sabab  ay dhib ugu mudan karaan gabdhuhu iyaga oo ciqaabta Gudniinka Fircooniga la marsiinayo. Waa caado gabowday oo gaamurtay, taasna boos uga’ma banaana qarnigan 21-aad ee aan ku jiro ,”  ayuu yidhi M/weyne Barack Obama oo Dalka Kenya kula hadlayay 4,500 oo dad ah.
Waxa la is la qaatay in Caada’da Gudniinka Fircooniga ee wax jarida si mideysan oo caalami ah looga hortago ka dib markii la ogaaday in dhib mooyaane dheef u laheyn haweenka lagula kaco caada’dan foosha xun.
Qoraa Madax Banaan
Axmed Cabdi
E-mail: [email protected] 
Previous Post

Shir caalami ah oo dhaqaale loogu ururinayo qaxootiga Soomaalida Kenya oo lagu qaban doono Nairobi

Next Post

Hey’adda cilmi baarista badaha oo tababar u qabatay shaqaaleheeda+Sawirro

Next Post
Hey’adda cilmi baarista badaha oo tababar u qabatay shaqaaleheeda+Sawirro

Hey'adda cilmi baarista badaha oo tababar u qabatay shaqaaleheeda+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Luanda ee dalka Angola kaga qaybgalaya Kalfadhiga...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Omar Afrah ayaa kulan la yeeshay Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

August 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan wax-ku-ool ah la yeeshay wafdi ka socday...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In