Saturday, August 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhagarqabe ka tirsanaa UGUS oo ku dhintay qarax uu isku xirayay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Dhagarqabe ka tirsanaa UGUS oo ku dhintay qarax uu isku xirayay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhagar qabe katirsanaa Maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab oo Doonayay inu isku qarxiyo bulshada dhaxdooda ayaa ku dhintay intii uu isku xirayay Qaraxa, waxayna dhacdadaasi ka dhacday Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir gaar ahaana halka loo yaqaan Masjidka Cali Geeddi.

Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Somaaliyeed Sareeya Guuto C/raxmaan Maxamed Tuuryare Cumda oo ay wehliyeen Saraakiil ka tirsan hay’adda ayaa kormeer ku tagay Halka uu ku qarxay dhagarqabaha katirsanaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee doonayay inuu dhibaateeyo shacabka Somaaliyeed balse isaga naftiisa ku waayay.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da August

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da August

August 1, 2026
Shir-madaxeedkii dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala

Shir-madaxeedkii dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala

August 1, 2026

Intaasi kadib ayaa Ciidamada Nisa waxay qabteen Xaaska dhagarqabihii geeriyooday iyo Gabar la dhalatay,nin Mooto Bajaaj ku qaadi rabay iyo Malkiilaha Guriga uu deganaa ninka dhintay.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan oo Saxaafada kula hadlay irida guriga uu deganaa dhagarqabaha Naftisa haligay ayaa waxa uu sheegay in Guriga ay lawareegtay Dowaldda Somaaliya gaar ahaan Hay’ada Nabadsugida iyo Siroonka islamarkaana baaris lagu sameynayo kuwa gacanta lagu hayo.

“sidaa ujeedaanba maanta Ciidamada Amniga waxay kahortageen islamarkaana ay kahortageen inuu dhaco dhib ay Kooxda Ugus la damacsanaayen bulshada maanto jimco ah oo dadka dhan sahqooyinka ka nasanayaan midkamid ah dhagarqabayaasha Ugus uu rabay  intuu umada dhaxtago inuu isku qarxiyo qaar kamid ah Ciidamada nisa oo rondo ugu socday meelaha ka baxsan magaalada nin dhalinyaro ah oo 17-jir ah oo la yiraahdo Mustfa Ibraahim Cali ayaa geed hoostiisa geedka loo yaqaana Cal garoobka rabay inuu iskulasoo xiro waxyaabaha qarxa suun ah oo dhaxda uu ku xiranaayay markii uu arkay askari katirsan nisa oo askarigiina uu weydiiyay meesha maxaa ugu jirtaa markiiba waxaa qarxay ninkii dhalinyarada ahaa ee la dhihi jiray Mustfa Ibraahim Cali afrax oo sidaa aragteenba ukala go’ay dhowr cad ciidanka markiiba baaris ayay sameeyen waxay qabteen ninkii mootada ku qaadi lahaa oo geyn lahaa meel ay dadka ku badan yihiin ” ayuu yiri Afhayeenka

Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdioonka Qaranka iyo Ciidanka Boliska ayaa lagu arkayaa wadooyinka Caasimada Muqdisho si ay u sugaan Amniga halka ciidama kalana ay ku roondeeyaan Xaafadaha iyagoo kahortgaya Qaraxyada iyo dilalka mararka qaar Maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab ka geystaan Magaalada Muqdisho.

Previous Post

Dhageeyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Horyaalka 16-aad ee ciyaaraha kubbada gacanta oo maanta ka furmay Muqdisho+Sawirro.

Next Post
Horyaalka 16-aad ee ciyaaraha kubbada gacanta oo maanta ka furmay Muqdisho+Sawirro.

Horyaalka 16-aad ee ciyaaraha kubbada gacanta oo maanta ka furmay Muqdisho+Sawirro.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da August

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da August

August 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo u direy bulshada deegaanada Puntland & Maamulkaba sanad guuradda...

Shir-madaxeedkii dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala

Shir-madaxeedkii dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala

August 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO(KAMPALA):-Shir Madaxeedkii gaarka ahaa ee dalalka ciidamada ku taageera hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), oo ka qabsoomay magaalada...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerar lagu qaaday deked ku taalla Masar

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerar lagu qaaday deked ku taalla Masar

August 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa weerarkii argagixiso ee loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn (drones) ee...

Soomaaliya oo shir heer caalami ah kaga qayb gashay dalka Libya

Soomaaliya oo shir heer caalami ah kaga qayb gashay dalka Libya

August 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LIBYA):-Wafdi ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), oo uu hoggaaminayo Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Maxamed Haaruun...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In