Friday, July 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhismaha Maamulka Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo la taageeray

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Qaban qaabada dibad baxyo lagu taageerayo shirki IGAD ee shalay ka dhacay Muqdisho oo ka socda Jowhar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Isu soo bax lagu soo dhoweynaayay dhismaha maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo ay ka qeybgaleen boqolaal ka mid ah bulshada ku dhaqan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa maanta ka dhacay magaalada Jowhar.

Banaan baxani oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha bulshada oo ay ugu horeeyaan waxgaradka, haweenka, dhallinyarada iyo mas’uuliyiin kale, kuwaasi oo muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin qorshaha ay dowladda ku dooneyso dhismaha Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Related posts

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

July 23, 2026

Qaar ka mid ah waxgaradka isu soo baxa ka qeyb galy ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan talaabada lagu doonayo dhismaha Maamulka labada gobol, ayna diyaar u yihiin inay dhankooda ka qeyb qaataan, isla markaana heshiiska Muqdisho lagu saxiixay uu horseed u noqon doono in la helo dowlad goboleed ay yeeshaan Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Guddoomiyaha degmada Jowhar Cabdullaahi Cabdiqaadir Buur fuule ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo in gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe loo sameeyo maamul goboleed qeyb ka noqda dowlad goboleedyada hoos tega Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeelaha Dhexe ee dhanka arrimaha bulshada Mudane Muxumed Sugaal Cismaan oo ka hadlay banaanbaxan ayaa sheegay in shacabka gobolka Shabeellaha Dhexe ay yihiin dad gacmaha is heysta ayna ku kalsoonyihiin maamulkooda.

“Ahmiyada labada maamul waxaa laga garan karaa Wasiirada saxiixay iyo madaxda ugu sareysa dalka oo ka qeybgalay xafladii lagu qabtay Madaxtoyada ee lagu saxiixay dhismaha maamulka labada gobol ee Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan”.ayuu yiri Gudoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Sh/dhexe.

 

Previous Post

Wasiirka arrimaha gudaha oo Baydhabo ka furay shir lagu soo xulayo Wakiilada Koonfur Galbeed

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta kulan la yeelatay bahda caafimaadka dalka oo isugu jira Hay’addaha caafimaadka dowladda...

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

July 23, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud....

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

July 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo...

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

July 23, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In