Hotelka Siyaad oo Maleshiyaadka Al-Shabaab ay weerareen Bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay ayaa dayactir lagu sameeyay kadib maanta dib loofuray waxaana ka qeybgalay Munaasabada dib loogu furayay Hotelkaasi Saraakiil katirsan Ciidanka Boliska Somaaliyeed ,Agaasimaha Guud ee wasaarada Warfaafinta ,dhaqanaka iyo dalxiiska ,qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Marti sharaf kale.
Gudoomiyaha Degmada Warta Nabadda Yaasiin Nuur Ciise oo ku hadlayay Magaca Maamulka Hotelka Siyaad ayaa ugu horeyn sheegay in maanta dib loofuray Hotelka oo dayactir lagu samaeeyay kadib Weerarkii Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku qaadeen wuxuuna intaa ku daray in Amniga Hotelka Siyaad wax laga badalay.
“Bishii Ramadaan 24-keedii xili maqribnimo ah ayaa Hotelkan Weerar ka dhacay tiro ciidan ah ayaa soo gashay ilaahey mahadii qolalkii ay meeshii ay arbeena ma dhicin oo ilaahey meelkale ayuu aadiyay waxay rabeen inay sameeyaana ma aysan sameynin Hoteelka oo maanta furitaankiisa aan joogno in customerkii iyo asxaabtii uu lahaan jiray in maanta wixii ka dambeeyana insha’allah Amnigooda iyo customerkii fiicnaa iyo servicekii fiicnaa ee nalagu yaqaanay hotel Siyaad ahaana in laga heli doono ayaan rajeyneynaa markii uu qalad dhacana waxaa laga bartaa cilmi wixii dhacayna waxbaan ka baranay” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Warta nabadda.
Guddoomiyaha degmada Waaberi Xaawo Kiin Maxamuud Cali oo munaasabadda ka hadashay ayaa soo dhaweeysay furitaanka hoteelkaasi, iyadoo sheegtay in weerarada argagixiso ee Alshabaab aysan hakin doonin horumarka bulshada, waxeyna ku dhiirrigelisay ganacsatada iney kordhiyaan maalgelinta dalka.
Sawir Qaade:- Maxamed Cabdullaahi Maxamed