Tuesday, April 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Haween la barayo leerarka cadceedda ku shaqeeya oo loo qaadayo dalka Hindia

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Jawaabta Dowladda Federaalka ee ku aaddan baarista SOMA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo ay soo agaasintay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqda aadanaha ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Madaxa Hey’ada Drs Xaawa Foundation iyo Agaasimaha guud ee Kolejka Banderfood Bunker Roy ee dalka Hindia Afar haween Soomaaliyeed oo loo qaadi rabo dalka Hindia, si loo baro xirfadda lagu sameeyo leerarka cadceedda ku shaqeeya iyo marti sharaf kale ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay sida Hey’ada ka shaqeeysa horumarinta bulshada iyo Dowladda Soomaaliya ay isaga kaashan lahaayen in dadka Soomaaliyed ee aan helin fursadaha wax barasho loogu sameyn lahaa xirfado ay ku shaqeeystan oo ay dalkooda iyo dadkooda ku horumariyaan.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026

Drs Deeqa Aadan Maxamed oo lahadashay Warbaahinta ayaa sharaxday sida lagu soo xulay  haweenka dhawaan ay Wasaaradda u qaadi rabto dalka Hindia.

“Barnaamijkan aan bilaawnay waa wadankii ugu horeeya ee haween aan waligod waxbaranin loo qaado dalka dibada, iyagoo la baraayo xirfada sameeynta nalalka cadceedda ku shaqeeya, iyagoo 6 bilood kaddib marka ay dalkooda dib ugu soo laabtan ay wax u qaban doonan dalkooda” ayay tiri Drs Deeqa.

Agaasimaha Guud ee Kolejka Banderfood Bunker Roy ayaa dhankiisa Tilmaamay tababarkan ku saabsan xirfada lagu sameeyo leerarka cadceeda ku shaqeya ay noqo neysa markii ugu horeysay ay ee Dowlada Hindia ay Tababr xirfadan la xariira ay u sameyso gabdho Soomaaliyeed.

“Dhamaan hambalyo ayaa dowlada Hindia ah uga wadaa dowladda Soomaaliya kolejka banderfood waxa uu tababar siiya haweenka kunool caalamka laakiin Tababarkan laxariira xirfadda leerarka cadceedda ku shaqeeya waa markii ugu horeysay ee  uu Koleejka Banderfood uu xirfadan bixiyo, waxaana fursad u helay Haween Soomaaliyeed” ayuu yiri agaasimaha guud.

Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta xuquuda aadanaha ee Xukuumada Soomaaliya Sahro Maxamed Cali Samatar waxa ay sheegtay in Wasaaraddu ay ku hoolan tahay sidii loo horumarin lahaay xirfadaha Haweenka Soomaliyed, si haweenka xirfadaha la baro ay dalkooda waxtar ugu noqoto.

“Wasaaradda waxey qorsheyneysa sidii loo horumarin lahaa haweenka Soomaaliyeed, xirfadda ay ku shaqeystaana loo bari lahaa si tuulooyinka dalka ay u helaan iftiin, sidoo kale waxaa guul ah in haweenka Soomaaliyeed ay noqdaan kuwa wax soo saar leh, marka waxaan u mahad celi naaya dowlada Hindia iyo hey’ada Drs Xaawa Fondution”ayay tiri Sahro.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Maxaad kala socotaa sababaha dhaliyay weerarka Turkigu ku qaaday ururka PKK

Next Post
Maxaad kala socotaa sababaha dhaliyay weerarka Turkigu ku qaaday ururka PKK

Maxaad kala socotaa sababaha dhaliyay weerarka Turkigu ku qaaday ururka PKK

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa maanta ka qaybgalay kulan ku saabsan doorka...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali ayaa kulan kula yeeshay xarunta...

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

April 13, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka...

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

April 13, 2026
0

Golaha Wasiiradda XJFS ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, xilkaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In