Wednesday, January 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjire Sidikou oo dhallinyarada ugu baaqay ka qeyb qaadashada horumarka dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Danjire Sidikou oo ka hadlay guulaha ay sida wada jirka ah u gaareen ciidanka AMISOM iyo ciidanka Xoogga dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maman Sidikou ayaa ku booriyay dhallinyarada Soomaaliyeed inay door fir-fircoon ka qaataan dadaallada ku aadan dib u dhiska iyo horumarinta dalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Danjire Maman Sidikou ayaa lagu sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed looga baahanyahay inay ka faa’iideystaan xuska maalinta caalamiga ah ee dhallinyarada, ayna ka qeyb qaataan horumarinta dhaqaalaha, siyaasadda iyo dhanka arrimaha bulshada, isla markaana door ku yeeshaan hiigsiga 2016-ka.

Related posts

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

January 14, 2026
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

January 14, 2026

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa looga fadhiyaa inay muujiyaan codkooda iyo aragtidooda ku aadan xasilinta iyo ka shaqeynta amniga dalka, ayna ka fogaan waxkasta oo u horseedi kara inay qeyb ka noqdaan falalka ay maleegayaan maleeshiyaadka argagixisada ah Al-Shabaab”ayuu yiri Danjire Sidikou.

War-saxaafadeedka ayaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya looga codsaday inay la timaado qorshe ku aadan siyaasadda dhallinyarada ee ku saabsan ka qeyb qaadashada horumarka dalka.

Dhanka kale qaar ka mid ah gobolada dalka waxaa ka socda xuska maalinta caalamiga ah ee dhallinyarada, kuwaasi la qorsheynayo inay ka qeyb galaan mas’uuliyin kala duwan, si looga hadlo doorka dhallinyarada uga aadan ka qeyb qaadashada amniga.

 

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Xuska maalinta caalamiga ah ee dhalinyarada oo ka socoto Muqdisho

Next Post
Xoojinta amniga degmada Xamarweyne oo laga shiray “SAWIRRO”

Xuska maalinta caalamiga ah ee dhalinyarada oo ka socoto Muqdisho

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

January 14, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan oo ay si taxaddar leh uga fuliyeen duleedka degmada Afgooye...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

January 14, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta guddoomiyay shir amni oo ka dhacay magaalada Laascaanood. Shirka...

Dibadbax ka dhan ah faragelinta YH-da oo ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Dibadbax ka dhan ah faragelinta YH-da oo ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

January 14, 2026
0

Boqolaal shacab ah ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, iyagoo muujinayay dareenkooda ka dhanka ah...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.

January 14, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir muhiim ah oo u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In