Monday, May 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjire Sidikou oo dhallinyarada ugu baaqay ka qeyb qaadashada horumarka dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Danjire Sidikou oo ka hadlay guulaha ay sida wada jirka ah u gaareen ciidanka AMISOM iyo ciidanka Xoogga dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maman Sidikou ayaa ku booriyay dhallinyarada Soomaaliyeed inay door fir-fircoon ka qaataan dadaallada ku aadan dib u dhiska iyo horumarinta dalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Danjire Maman Sidikou ayaa lagu sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed looga baahanyahay inay ka faa’iideystaan xuska maalinta caalamiga ah ee dhallinyarada, ayna ka qeyb qaataan horumarinta dhaqaalaha, siyaasadda iyo dhanka arrimaha bulshada, isla markaana door ku yeeshaan hiigsiga 2016-ka.

Related posts

Golaha Wasiirrada XFS oo meelmariyay sharciyo muhiim ah

Akhriso bayaanka Shirka Golaha Wasiirada

May 17, 2026
Golaha Wasiirrada XFS oo meelmariyay sharciyo muhiim ah

Golaha Wasiirrada XFS oo meelmariyay sharciyo muhiim ah

May 17, 2026

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa looga fadhiyaa inay muujiyaan codkooda iyo aragtidooda ku aadan xasilinta iyo ka shaqeynta amniga dalka, ayna ka fogaan waxkasta oo u horseedi kara inay qeyb ka noqdaan falalka ay maleegayaan maleeshiyaadka argagixisada ah Al-Shabaab”ayuu yiri Danjire Sidikou.

War-saxaafadeedka ayaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya looga codsaday inay la timaado qorshe ku aadan siyaasadda dhallinyarada ee ku saabsan ka qeyb qaadashada horumarka dalka.

Dhanka kale qaar ka mid ah gobolada dalka waxaa ka socda xuska maalinta caalamiga ah ee dhallinyarada, kuwaasi la qorsheynayo inay ka qeyb galaan mas’uuliyin kala duwan, si looga hadlo doorka dhallinyarada uga aadan ka qeyb qaadashada amniga.

 

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Xuska maalinta caalamiga ah ee dhalinyarada oo ka socoto Muqdisho

Next Post
Xoojinta amniga degmada Xamarweyne oo laga shiray “SAWIRRO”

Xuska maalinta caalamiga ah ee dhalinyarada oo ka socoto Muqdisho

Golaha Wasiirrada XFS oo meelmariyay sharciyo muhiim ah

Akhriso bayaanka Shirka Golaha Wasiirada

May 17, 2026
0

Shirka Golaha Wasiiradda Xukuumadda JFS oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu meelmariyay hawlo qaran oo muhiim...

Golaha Wasiirrada XFS oo meelmariyay sharciyo muhiim ah

Golaha Wasiirrada XFS oo meelmariyay sharciyo muhiim ah

May 17, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulan ayaa looga hadlay Qorshaha Hirgalinta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka dalka Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka dalka Jabuuti

May 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda aanu...

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden

May 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo safar shaqo ku jooga Yurub...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In