Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Sweden oo $4 Milyan doolar ugu deeqday dib-u-dhiska Wasaaradaha Maaliyadda iyo Caafimaadka  “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Dowladda Sweden oo $4 Milyan doolar ugu deeqday dib-u-dhiska Wasaaradaha Maaliyadda iyo Caafimaadka  “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

August 15, 2015 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis is-faham (Memorandum of Understanding –MOU) la gashay Dowladda Sweden, kaasi oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo ay wada galeen mas’uuliyiinta Wasaaradaha Maaliyadda, Caafimaadka, Hawlaha Guud iyo Guryaynta iyo mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Sweden iyo Hay’adda UN-ka ee UNPOS oo iyadu fulin doonto Mashruuca dhismaha.

Dowladda Sweden oo ka mid ah wadamada caawiya Soomaaliya ayaa Mashruuca dhismaha labada Wasaaradood ugu deeqday lacag dhan $4 Million oo Doolar.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026

Heshiiskan ayaa dhigaya dib-u-dhiska xarumihii Wasaaradaha Maaliyadda iyo Caafimaadka oo sanadooyin badan burbursanaa. Labada Wasaaradood ayaa in muddo ah dhib ka heystay xafiisyo la’aanta, iyagoo shaqaalahooda aysan heysanin goobo shaqo oo ay ku fuliyaan hawlihii loo idmaday.

Dhismaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa laga hirgelin doonaa degmada Shangani (xaruntii hore ee Aspima), halka kan Wasaaradda Maaliyadda uu ka soo horjeedo Hotel Curuba.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti) ayaa sheegay in maalgelinta dhismooyinka ay wax-weyn ka taridoonto habsami u socodka shaqada Wasaaradaha, wuxuuna mahad celin gaar ah u jeediyay Dowladda Sweden dadaalka ay ku bixinayso xaqiijiinta dib-u-dhiska xaruumaha dowliga ah.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Drs Xaawo Xasan Maxamed ayaa iyana dhankeedka u mahad celisay Dowladda Sweden waxay tilmaantay in mashruucan uu yahay mid la taaban karo oo wax weyn ka bedeli doono waxqabadka Wasaaradaha.

Geba gebadii Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Sweden ee Soomaaliya Urban Sjostrom ayaa sheegay in dowladiisu ay mar walba garab taagan tahay Soomaaliya, mashruucan uu yahay mid sii xoojinaya xiriirka labada dal.

Dib u dhiska labada Wasaaradood ayaa la qorsheeyey dhismahooda in la soo geba gebeeyo horaanta sanadka cusub 2016, haduu Ilaahay idmo.

glaxy 6 009 glaxy 6 014 (1) IMG_0476

Previous Post

Olole nadaafadeed oo markale ka bilowday Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post

Dar dargelinta hufnaanta Maamulka Maaliyadda oo laga hadlay

Next Post
Jawaabta Dowladda Federaalka ee ku aaddan baarista SOMA

Dar dargelinta hufnaanta Maamulka Maaliyadda oo laga hadlay

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In