Saturday, October 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muqdisho: Carruur aragga la’ oo deeq lacageed la gaarsiiyay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Muqdisho: Carruur aragga la’ oo deeq lacageed la gaarsiiyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Holand ayaa deeq lacageed oo ay iska soo uruuriyeen gaarsiiyay carruurta aragga la’ ee wax ka barata dugsiga Al-Bashiir ee magaalada Muqdisho.

Drs Sahro Siyaad Naaleeye oo carruurta u qeybisay deeqdan oo ahad laba kun oo doolar ayaa sheegtay in carruurtan qaarkood indhahooda wax laga qaban karo, ayadoo dadka ugu baaqday inay ka qeyb qaataan daryeelka dadka aragga la’.

Related posts

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo si kooban u sharxay ahmiyadda shirweynaha cilmi-baarista aafooyinka Soomaaliya

October 17, 2025
Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay tacsida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay tacsida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya

October 17, 2025

“Bahidoodu wa ay ka badan tahay(lacagtan aan siinnay) waxa la ii shegey iney ku jiran kuwo indhahooda wax laga qaban karo, waa in ay dadka Soomaaliyeed caawiyaan” ayay yiri Drs. Sahro.

Goddoomiyaha dugsiga Al-Bashiir Cabduqaadir Maxamed Calasow oo guddoomey deeqdan lacageed ayaa uga mahadceliyey dadka iska soo aruuriyay.

“Walalayaal aad ayaan idunkugu mahad celinayaa,…… inta gacanta ka geysatay waan uga mahad celineynaa ajar Alle ha idin ka siiyo” ayuu yiri Cabdulqaadir.

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Adan oo iyana goobta hadlka jeedisay ayaa bulshada Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ku dhaqan ayadoo ka dalabtay in caruurtan Soomaaliyeed ee aragga la’ caawimaad loo fidiyo.

“Marka hore waxaan u mahad celinaya jaliyadda holand ee ay Sahro wakiilka ka tahey hormuudna ka aheyd, deeqdaan carruurta la soo gaarsiiyey caruurtan araga la’a iyo macalimiintooda, waxaan idanka codsaneynaa bulshada Soomaaliyeedey inaad soo caawintaan sidii ay waxbarasho tayeysan iyo cafimaadba u heli la haayeen carruurtani” ayay tiri xildhibaan Fowsiyo.

Dugsigan waxaa wax ka barta 297 arday oo aragga la’ kuwaas oo isugu jira heerar kala duwan.

Previous Post

Admiral Faarax Qare: Biyaha Xeebta Liido waa la wasaqeeyay

Next Post

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Kenya oo Muqdisho soo gaaray

Next Post
Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Kenya oo Muqdisho soo gaaray

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Kenya oo Muqdisho soo gaaray

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo si kooban u sharxay ahmiyadda shirweynaha cilmi-baarista aafooyinka Soomaaliya

October 17, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa ka hadlay muhiimadda shirweynaha cilmi-baarista aafooyinka Soomaaliya. Guddoomiyuhu wuxuu carrabka...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay tacsida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay tacsida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya

October 17, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay tacsida Raiisul Wasaarihii hore ee Jamhuuriyadda Kenya, Raila...

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟔-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟔-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

October 17, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoominayay kulanka 26-aad ee Wasiirada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika,...

Masar iyo Soomaaliya oo kawada hadlay arrimo muhiim ah..

Masar iyo Soomaaliya oo kawada hadlay arrimo muhiim ah..

October 17, 2025
0

ALi SHiGaL: Qaahira, Masar, 17-ka Oktoobar 2025: Iyada oo lagu guda jiro Todobaadka Shirweynaha Biyaha ee Qaahira (Meertada 8-aad), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In