Wednesday, July 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Admiral Faarax Qare: Biyaha Xeebta Liido waa la wasaqeeyay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Admiral Faarax Qare: Biyaha Xeebta Liido waa la wasaqeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Daarasad ay sameysay hay’adda cilmi barista Badaha ee Soomaaliya ayaa lagu caddeeyay in xeebaha magaalooyinka ay saameyn ku yeeshaan wasaqda lagu shubo, taas oo dhalin karta in xeebaha ay dadku ku dabaashaan ay wasaqoobaan.

Guddoomiyaha hay’addan Admiral Faarax Qare ayaa sheegay in carrada laga qodayo xeebaha Muqdisho, bullaacadaha iyo waliba dadka badan ee ku dabaalanaya xeebta Liido ay dhalinayso in biyaha xeebtu ay dhibaato caafimaad u geystaan dadka shacabka ah, sida lagu ogaaday cilmi baaris ay hay’adu sameysay dhowr jeer.

Related posts

Howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta oo sii xoogeysanaya (WARBIXIN)

Howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta oo sii xoogeysanaya (WARBIXIN)

July 15, 2026
Wasiirka Qoyska oo booqasho ku tagtay Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan

Wasiirka Qoyska oo booqasho ku tagtay Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan

July 15, 2026

“Waxaan qaadanay go’aan ah inaan baarno biyaha xeebta iyo carrada, waxaan ka baarnay afar meelood, meesha koowaad waxay ahayd Kawaanka bari ee xoolaha lagu qalo oo dhiiggu badda ku socdo, Liido oo ay Xamar inta deggan ku dabaalato jimcadii, Aw-Aweyska oo Xamar Weyne ah iyo Dekadda Muqdisho” ayuu yiri Faarax Qare.

Baaritaankaan ayaa lagu ogaaday in biyaha xeebahani ay dadka dhibaato dhinaca caafimaadka ah u geysan karaan bulshada, maadaama aad loo wasaqeeyay.

“Laba jeerbaan sameynay, natiijaduna waxay noqotay in biyahaasi aysan ahayn sidii la rabay oo ay joogaan heer ay noolaha dhibaato u geystaan, markii ay natiijadaasi soo baxday ayaan jecleysanay inay nala wadaagaan hay’adaha ku shaqada leh arrintaas iyo culimada ku shaqada leh cilmigan” ayuu yiri guddoomiyaha hay’adda cilmi baarista badaha Soomaaliya.

Daraasaddan oo shalay lagu soo bandhigay Muqdisho ayaa sidoo kale lagu sheegay in wasaqda ay maraakiibta shisheeye ku daadiyaan xeebaha waddanka ay dhibaato kale ku wayso waddanka. Waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan xukuumadda, maamulka gobolka Banaadir iyo aqoonyahanno ka socday jaamacaha dalka qaarkood.

Previous Post

DEGDEG: Horjoogeyaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo Hiiraan lagu dilay

Next Post

Muqdisho: Carruur aragga la’ oo deeq lacageed la gaarsiiyay

Next Post
Muqdisho: Carruur aragga la’ oo deeq lacageed la gaarsiiyay

Muqdisho: Carruur aragga la' oo deeq lacageed la gaarsiiyay

Howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta oo sii xoogeysanaya (WARBIXIN)

Howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta oo sii xoogeysanaya (WARBIXIN)

July 15, 2026
0

Wasaaradda difaaca Soomaaliya ayaa sheegtay in commandos-ka Danab ay dileen toddoba dagaalyahan oo kooxda Khawaarijta Al-Shabab ah, oo ay ku...

Wasiirka Qoyska oo booqasho ku tagtay Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan

Wasiirka Qoyska oo booqasho ku tagtay Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan

July 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta booqasho rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

July 14, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya (Somalia Development...

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

July 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa uga mahadceliyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe), oo ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In