Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Gaalkacyo kula kulmay qaar ka mid ah Nabadoonada Gobalka Mudug, kaasi oo ay ka qeyb-galeen Nabadoonada Gobalka Mudug ayaa waxaa looga hadlay mudadii uu socday xoojinta wada shaqeynta iyo gacan siinta laamaha ammaanka.
Nabadoonada ka socda qeybo ka mid ah deegaannada Gobalka Mudug ayaa waxaa ay Cabdweli Gaas ka codsadeen in wakhti kordhin uu u sameeyo Dadweynaha looga baaqay inay ka baxaan dhulka Dawladda ee ku yaala magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo loo qabtay saddex maalmood .
Dr Cabdiweli Gaas ayaa dhankiisa Nabadoona codsiga ay u jeediyeen uga jawaabay in wakhti uu u kordhinayo oo keliya dadka ay ku adag tahay in si fudud uga guuraan , islamarkaana ay u taalo alaab badan hanoqoto adeeg ganacsi iyo wixii lamid ah, balse dadka kale ayuu ugu baaqay in wakhtigii loo qabtay uga guuraan si hantidaasi gacanta Dawladda ugu soo noqoto.
Sidookale Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland ayaa qaar ka mid ah Nabadoonada uu la kulmay u sheegay in dhulka Dawladda ee laga saarayo dadweynaha aan lagu celineyn dadkale gacantooda , balse loogu shaqeynayo danaha guud ee shacabka.