Xubnahaan ka socday Barlamanaanka Kenya ee maanta soo gaaray magaladada Muqdisho oo ka koobnaa 9 xubnood oo ka tirsan guddiga difaca iyo arrimaha dibadda ee Barlamaanka Kenya ayaa waxaa garoonka diyaaraha magaladda Muqdisho ku soo dhaweeyey Xildhibaanno ka tirsan Barlamanka Soomaaliya, Safiirka dowladda Kenya u jooga Soomaaliya,
Xildhibaadda ka socday Barlamanka Kenya ayaa xarunta Villa Hargaysa ee magalaada Muqdisho waxaa ay kulan saacado badan qaatay kula yesheen guddiyada difaaca iyo Arrimaha dibadda ee barlamaanka Soomaaliya, kaasi oo ay kaga wada hadleen xoojinta iyo wada shaqeynta labada baarlamaan.
Kulaanka oo ay goob-joog ka ahayeen safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Jamaal Maxamed Xasan iyo Safiirka Kenya u jooga Soomaaliya Lucas Kyonze Tumbo, waxaa kaloo diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid ahayeen fududaynta dal ku galka iyo dulimaadyadda labada shacab, sidii Kenya iyo Soomaaliya ay isaga kaashan lahayeen ladagaallanka argagixisada Al-Shabaab, darbiga dowladda Kenya ay sheegatay in ka dhiseyso xadka labada dalka iyo arrimo kale oo mihiim ah.
Ilyaas Barre Shiil oo hogaaminayay wafdiga Xildhibaanada Kenya ka socday oo la hadlay Warbaahinta Qaranka aya sheegay in Soomaaliya iyo Kenya uu ka dhexeeyo xariir darisnimo oo wanaagsan, isla markaana looo bahan yahay in laga shaqeeyo adkaynta xariirka labada dhinac.
Aweys Cabdulahi Ibraashim Xog-hayaha guddiga arrimaha dibadadda ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa xusay in arrimhii laga wada hadalay la isku raacay in la xoojiyo wada shaqeynta labada baarlamaan, isla markaana wafdi ka socda Baarlamaanka Soomalliya ay tegi doonaan dhawaan dalka Kenya.
Xildhibaan Xuseen Carab Ciise Guddomiyaha guddiga difaaca golaha shacabka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in kulankan ay manta yeesheen xubaha ka socday Barlamaanka Kenya ay tahay guul u soo hooyatay shacabka Soomaliyeed, wixii caqabado ah ee haystana ay kale hadli doonaan xubnaha baarlamaanka Kenya ka yimid, si wax looga qabto tabashada shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Kenya.