Thursday, September 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saraakiil boolis oo la geynayo goobaha laga xoreeyay Shabaab oo tababar loo soo xiray

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Taliska booliska oo ka digay in qashinka la soo dhoobo hareeraha waddooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan tababarka loogu soo xirayay qaar ka tirsan saraakiisha ciidanka booliska oo la qorsheynayo in loo wareejiyo goobaha laga xoreeyay maleeshiyada Al-Shabaab ayaa waxaa k ka qeyb galay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Amniga Gudaha  Daa’uud Cabdiraxmaan Cumar, Ku-simaha Taliyaha ciidanka booliska Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka.

Tababarkan oo la furay 5-tii August ee bishan ayaa waxaa iska kaashaday Wasaarada amiga gudaha iyo taliska ciidanka booliska, kaasi oo intii uu socday saraakiisha lagu barayay habdhaqanka wanaaagsan iyo xiriirka ka dhexeeya ciidanka booliska iyo shacabka iyo kuwa kale.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026

Ku-simaha Taliyaha ahna taliye ku-xigeenka koowaad ee ciidanka booliska Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax oo xaflada hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in boolisku uu yahay saaxiibka bulshada, isla markaana saraakiisha looga fadhiyo sidii ay arrintaasi u xoojin lahaayeen.

“Tababarkan idin soo bilowday shantii bishan runtii wax badan ayaad ku barateen oo ay ka midtahay ilaalinta xuquuqda aadanaha, habdhaqanka wanaagsan, ka difaacidda cadowga shacabka ku dhex dhuumaaleysanaya” ayuu yiri Ku-simaha taliyaha.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Daa’uud Cabdiraxmaan Cumar oo soo xiray tababarka ayaa sheegay in saraakiishan looga fadhiyo in ay xoogga saaraan amniga deegaanada la geyn doono oo ay shacabka ka ilaaliyaan cadowga Al-Shabaab.

“Tababarka aad qaadateen waxaa la rabaa in aad ugu adeegtaan bulshada,  oo aad xoojisaan wada shaqeynta shacabka iyo ciidanka, si aad uga heshaan xog badan oo ku saabsan dhagar qabayaasha Al-Shabaab” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha amniga gudaha.

Taliska ciidanka booliska ayaa qorsheynaya in ciidamado boolis oo amniga suga la gaarsiiyo goobaha dhawaan lagala wareegay maleeshiyada Al-Shabaab, si ciidamada ay u soo celiyaan amniga iyo xasiloonida deegaannada laga xoreeyay Al-Shabaab, iyadoo shahaado sharaf la guddoonsiiyay saraakiishii tababarka loo soo xiray.

 

 

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo mudo kordhin loogu daray magacaabista golaha Wasiirada

Next Post

Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif oo shahaado sharaf la guddoonsiiyay “SAWIRRO”

Next Post
Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif oo shahaado sharaf la guddoonsiiyay “SAWIRRO”

Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif oo shahaado sharaf la guddoonsiiyay "SAWIRRO"

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

September 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha...

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

September 16, 2026
0

Agaasimaha Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Faatir, ayaa ku dhiirrigeliyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In