Degmadda Baardheere ee gobolka gedo oo dhawaan ciidamada xooga dalka soomaaliyeed iyo kuwa nabad ilaalinta midowga afrika ee Amisom ay ka saareeen maleeshiyaadka al Shabaab ayaa waxaa maanta halkaasi gaaray wafdi isugu jira wasiiro iyo xildhibaano kuwaas oo uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Gen C/qaadir Sheekh Cali.
Xubnaha wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Degmada Baardheere ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubba C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag,waxaana intaasi kadib ay kormeer ku sameeyeen qeybo magaalada ka mid ah iyagoo intaasi ka dibna kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee Degmada.
Xildhibaan Maxamud Cali Magan, Xildhibaan Bishaar Ugaas,Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac oo ka mid ahaa wafdigani maanta gaaray degmada Baar-Dhaare ee Gobolka Gedo ayaa u mahaceliyay ciidanka xoogga dalka Soomalaiyeed iyo kuwa amisom dadaalka ay ugu jiraan dar dar gelinta howlgalada ka dhanka ah maleeshiyaadka al Shabaab.
Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo arrimaha bulshada, Cusmaan libaax Ibraahim ,wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaadiidka Axmed daqare iyo sidoo kale wasiir ku xigeenka arimaha dastuurka C/llaahi yuusuf Alankey ayaa si wadajir ah u sheegay in ay ku faraxsanyihiin Tagista maanta ee degmada Baardheere oo kooxda Al Shabaab dhawaan laga saaray iyagoo u mahadceliyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Amisom.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubba C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in maamulka jubba uu diyaar u yahay in uu ka qeyb qaato howlgalada maleeshiyaadka Al Shabaab looga sifeynayo deegaanada tirada yar oo ay ku dhuumaaleysanayaan si meesha looga saaro dhibaatooyinka kooxda bur burtay ay Shacabka u geysteen.
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Gen C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa ku amaanay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa nabad ilaalinta midowga afrika ee amisom dadaalada ay ugu jiraan in ay ka horatagaan dhibaatooyinka ay kooxda nabad diidka ah u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed ,wuxuuna wasiirka difaaca uu sheegay adeegyada kale duwan ee degmada ay dib u soo laabanayaan,wuxuuna dhinaca sheegay in maanta wixii laga bilaabo uu si rasmi ah u furanyahay garoonka diyaaradaha ee Baar-dheere.
Degmada baardheere oo ka tirsan gobolka geddo ayaa ka mid ah meelihii ugu dambeeyay ee laga saaray maleeshiyaadka kooxda al shabaab,waxaana hada degmada ka soconaya dadaalo shacabka ay ku doonayaan in ay dib ugu soo celiyaan adeegyadii bulashada oo ay meesha ka saareen kooxda nabad diidka ah ee al shabaab mudadii ay degmada ku amar taagleynaayeen.