Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wasiirada Ee Maanta Oo Looga Hadlay Arrimo kale Duwan oo la Xiriira Amniga iyo Geedi Socodka Dastuurka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 20, 2015
in Wararka
0
Shirka Golaha Wasiirada Ee Maanta Oo Looga Hadlay Arrimo kale Duwan oo la Xiriira Amniga iyo Geedi Socodka Dastuurka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Khamiis, August 20.2015—-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin, xaaladda amniga dalka iyo geedi socodka dib u eegista Dastuurka.

Wasiirka Dastuurka ee Xukuumada Federaalka Soomaaliyeed Mudane Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen, ayaa sharaxaad dheer ka siiyay golaha geedi socodka dib u eegista Dastuurka iyo guulaha ay rabto inay gaarto dowladda Federaalka sanada 2016, waxa uuna soo bandhigay jadwal waqtiyeysan ee howsha dib u eegista Dastuurka kaasoo lagu soo ansixiyay shirkii madasha heerka sare ee wadahadalka Muqidsho.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Golaha Wasiirada waxa ay ka wada hadleen qodobada lagu xusay mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha ee horyaala Baarlamaanka, waxaana la isla qaatay in la saxo wixii khaladaad ah ee jira, iyaga oo u xil saaray guddiga siyaasada iyo guddiga dhaqaalaha ee golaha wasiirada, si ay talo kama dambeys ah uga keenaan, dibna ugu soo celiyaan shirka dambe ee golaha Wasiirada.

Dhanka Kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Sharmarke ayaa magacaabay ergeyga gaarka ah ee Xaquuqda caruurta iyo Tahriibayaasha, waxaana loo magacaabay Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf, waxayna magacaabistani ka dambeysay kadib markii uu Ra’iisul Wasaaruhu tixgeliyay baahida loo qabo xoojinta iyo horumarinta xaquuqda caruurta iyo tahriibayaasha.

—DHAMAAD—

unnamed unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3)

Previous Post

Wasaaradda Waxbarashada Oo Ka Warbixisay Imtixaankii Mideysnaa Oo Ay Qaaday Dowladda

Next Post

Wafdi Uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Oo Booqday Baardheere Sheegayna In Uu Furanyahay Garoonka Degmadaasi “Sawirro”

Next Post
Wafdi Uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Oo Booqday Baardheere Sheegayna In Uu Furanyahay Garoonka Degmadaasi “Sawirro”

Wafdi Uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Oo Booqday Baardheere Sheegayna In Uu Furanyahay Garoonka Degmadaasi "Sawirro"

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In