Thursday, August 11, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Waxbarashada Oo Ka Warbixisay Imtixaankii Mideysnaa Oo Ay Qaaday Dowladda

August 20, 2015
in Wararka
0
Wasaaradda Waxbarashada Oo Ka Warbixisay Imtixaankii Mideysnaa Oo Ay Qaaday Dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

kulan maanta lagu qabtay xarunta Jaamacada Ummada ee magaalada Muqdisho oo ay ka qayb galeen wasiirka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumada Soomaaliya,wasiir ku xigeenka iyo wasiiru dowlaha wasaaradaas iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa wasaaradu uga dhawaaqday in maanta ay shaacisay natiijada imtixaankii mideysnaa ee dhawaan laga qaaday ardayda dugsiyada sare ee gobolada bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya .

kulankaasi ayaa waxaa wasaaradu ay ka sheegtay in Natiijada imtixaankii laga qaaday ardayda ay ku soo bandhigi doonto website-ka rasmiga ah ee wasaaradda waxbarashada halkaana ay kala socon karaan ardada iyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed waxaana ay wasaarada uga mahadcelisay suura galnimada in imtixaankaasi uu guuleysto cid walba oo gacan ka geysatay .

Related posts

Horjoogayaal katirsan Al-shabaab oo lagu dilay duqeeyn kadhacday Gobolka Shabeelaha hoose

DF Soomaaliya oo war ka soo saartay khasaaraha duqeymo ka dhacay G/Hiiraan

August 10, 2022
Abshir Bukhaari Oo La Wareegay Xilka Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Qaranka

Abshir Bukhaari Oo La Wareegay Xilka Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Qaranka

August 10, 2022

wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare mudane Xaamud Cali Xasan oo ka hadlay arintaan ayaa waxaa uu si gaar ah mahad balaaran ugu celiyay waalidiinta iyo guud ahaan bulshada wasaarada ka gacansiisay in imtixaankaas taariikhiga ah la qaado laguna guuleysto.

wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada ayaa isna ka hadlay kulankaan waxaan uu dhankiisa bogaadiyay qabsoomida imtixaankaas iyo sida ay wasaarada oo kaashaneysa madaxda qaranka iyo bulshada qaybaheeda kale duwan ugu guuleysatay.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare marwo Qadar Bashiir Cali oo ka hadashay gaba gabadii ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in maanta ay wasaaradu ku guuleysatay in ay soo bandhigto natiijada imtixaankii la qaaday.

“Maanta waxaan rabaa bisha sideedaad ay tahay 20 in aan idiin sheego natiijada imtixaanka in aan maanta soo saari doono ilaahay haduu yiraa taasna waxaa noo keentay waa guul aan u soo hoynay wadankeena ilaah ayaa ku mahadsan”ayay tiri wasiirada.

15 kii bishii June ee sanadkaan ayay ahayd markii wasaarada waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ay suura galisay in gobolada koofurta iyo bartamaha dalka ay imtixaan mid ah ka qaado ardada dhigatay dugsiyada sare taasoo  ahayd markii ugu horeysay mudo 25 sano ah .

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Shirka Golaha Wasiirada Ee Maanta Oo Looga Hadlay Arrimo kale Duwan oo la Xiriira Amniga iyo Geedi Socodka Dastuurka

Next Post
Shirka Golaha Wasiirada Ee Maanta Oo Looga Hadlay Arrimo kale Duwan oo la Xiriira Amniga iyo Geedi Socodka Dastuurka

Shirka Golaha Wasiirada Ee Maanta Oo Looga Hadlay Arrimo kale Duwan oo la Xiriira Amniga iyo Geedi Socodka Dastuurka

Horjoogayaal katirsan Al-shabaab oo lagu dilay duqeeyn kadhacday Gobolka Shabeelaha hoose

DF Soomaaliya oo war ka soo saartay khasaaraha duqeymo ka dhacay G/Hiiraan

August 10, 2022
0

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa saddex weerar oo cirka ah ku qaaday argagixisada Al-Shabaab, duqeymahaas...

Abshir Bukhaari Oo La Wareegay Xilka Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Qaranka

Abshir Bukhaari Oo La Wareegay Xilka Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Qaranka

August 10, 2022
0

Wasiiru-dowlaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed ayaa maanta xilka kala wareegay Wasiiru-dowlihii hore Mudane Xasan Macallin Khaliif,...

Maamulka Degmada Ceelberde Oo Ku Baaqey In La Caawiyo Dadkii Degmada Kusoo Barakacay

Maamulka Degmada Ceelberde Oo Ku Baaqey In La Caawiyo Dadkii Degmada Kusoo Barakacay

August 10, 2022
0

Guddoomiyaha Degmada Ceelberde ee Gobolka Bakool oo ka hadley xaaladihii u dambeeyay ayaa sheegey in dadkii degmada kusoo barakacay ay...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeybgalay Furitaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Uganda

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeybgalay Furitaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Uganda

August 10, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Madasha Iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo Uganda ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In