Monday, July 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xoghayaha Cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo xilka la wareegay “SAWRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Xoghayaha Cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo xilka la wareegay “SAWRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho 22. August.2015——Munaasabad uu xilka kula kala wareegayay Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta lagu qabtay Xafiiska, waxaana munaasabadda goob-joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Cumar Carte iyo dhamaan shaqaalaha Xafiiska.

Xoghayihii Joogtada Mudane Maxamed Cali Nuur oo hadal kooban jeediyay ayaa u mahad-celiyay shaqaalaha Xafiiska, isaga oo ku amaanay sida xil-kasnimada leh ee ay u gutaan waajibaadkooda shaqada xafiiska “Runtii intii aan xilkan hayay waxaa noo qabsoomay howlo badan, waxaana idinka codsanayaa in la sii wado, si wada jir ahna loo wajaho howlaha qaranka” ayuu yiri Mudane Maxamed Cali Nuur.

Related posts

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

July 26, 2026
Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

July 26, 2026

Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaare Cabdisalaan Salwe ayaa uga mahadceliyey Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha soo dhaweynta diiran ee ay u sameeyeen, wuxuuna ballan-qaaday inuu howsha meeshaas kasii wadi doono, kana faa’iideysan doono khibradda baaxadda wayn ee uu Xafiiska ugu yimid.

Ugu dambeyn, waxaa munaasabadda soo xiray Ra’iisul ku-xixeenka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cumar Carte oo u mahad celiyay Xoghayihii hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cali Nuur,  wuxuuna ku tilmaamyay shaqada uu xafiiska ka soo qabtay intii uu xilka hayay ay tusaale wanaagsan u tahay sii socoshada howlaha Xafiiska.

“Walaalkey Maxamed Cali Nuur waxaan leeyahay runtii waxaa shaqada laguu dhiibay waqti adag oo xasaasi ah, waxaadna qabatay shaqo badan oo maanta ka muuqata xafiiska Ra’iisul wasaaraha. Inaguna kumaynaan dhigin meel cidlo ah, waxaan rajeynayaa in khibradiisa laga faaideysan doono. Xog-hayaha cusub waxaan isna leeyahay soo dhawoow xilka aad maanta la wareegtey waa mid culus oo laf-dhabar u ah howlaha Qaranka”.

—DHAMMAAD—

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (6) unnamed

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Baarlamaanka oo ansixiyay dib u eegista Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka

Next Post
Kulanka Baarlamaanka oo su’aalo lagu weydiiyay wasiirka Maalliyadda

Baarlamaanka oo ansixiyay dib u eegista Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

July 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay shir wadatashi qaran oo ku saabsan...

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

July 26, 2026
0

Maamulka Dekedda Muqdisho, oo uu hoggaaminayo Maareeyaha Guud Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko) oo ay weheliyaan Maareeye Ku-xigeennada Dr. Cali...

Soomaaliya oo  Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

July 26, 2026
0

Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Wafdi uu hoggaaminayo musharrax hoggaamiye Liibaan Axmed oo lagu soo dhaweeyay degmada Ceeldheer

Wafdi uu hoggaaminayo musharrax hoggaamiye Liibaan Axmed oo lagu soo dhaweeyay degmada Ceeldheer

July 26, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In