Sunday, July 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xoghayaha Cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo xilka la wareegay “SAWRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 22, 2015
in Wararka
0
Xoghayaha Cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo xilka la wareegay “SAWRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho 22. August.2015——Munaasabad uu xilka kula kala wareegayay Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta lagu qabtay Xafiiska, waxaana munaasabadda goob-joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Cumar Carte iyo dhamaan shaqaalaha Xafiiska.

Xoghayihii Joogtada Mudane Maxamed Cali Nuur oo hadal kooban jeediyay ayaa u mahad-celiyay shaqaalaha Xafiiska, isaga oo ku amaanay sida xil-kasnimada leh ee ay u gutaan waajibaadkooda shaqada xafiiska “Runtii intii aan xilkan hayay waxaa noo qabsoomay howlo badan, waxaana idinka codsanayaa in la sii wado, si wada jir ahna loo wajaho howlaha qaranka” ayuu yiri Mudane Maxamed Cali Nuur.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaare Cabdisalaan Salwe ayaa uga mahadceliyey Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha soo dhaweynta diiran ee ay u sameeyeen, wuxuuna ballan-qaaday inuu howsha meeshaas kasii wadi doono, kana faa’iideysan doono khibradda baaxadda wayn ee uu Xafiiska ugu yimid.

Ugu dambeyn, waxaa munaasabadda soo xiray Ra’iisul ku-xixeenka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cumar Carte oo u mahad celiyay Xoghayihii hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cali Nuur,  wuxuuna ku tilmaamyay shaqada uu xafiiska ka soo qabtay intii uu xilka hayay ay tusaale wanaagsan u tahay sii socoshada howlaha Xafiiska.

“Walaalkey Maxamed Cali Nuur waxaan leeyahay runtii waxaa shaqada laguu dhiibay waqti adag oo xasaasi ah, waxaadna qabatay shaqo badan oo maanta ka muuqata xafiiska Ra’iisul wasaaraha. Inaguna kumaynaan dhigin meel cidlo ah, waxaan rajeynayaa in khibradiisa laga faaideysan doono. Xog-hayaha cusub waxaan isna leeyahay soo dhawoow xilka aad maanta la wareegtey waa mid culus oo laf-dhabar u ah howlaha Qaranka”.

—DHAMMAAD—

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (6) unnamed

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Baarlamaanka oo ansixiyay dib u eegista Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka

Next Post
Kulanka Baarlamaanka oo su’aalo lagu weydiiyay wasiirka Maalliyadda

Baarlamaanka oo ansixiyay dib u eegista Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In