Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo ansixiyay dib u eegista Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 22, 2015
in Wararka
0
Kulanka Baarlamaanka oo su’aalo lagu weydiiyay wasiirka Maalliyadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Warbixinta Dib u eegista Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka waxaa Baarlamaanka keenay guddiga Maalliyadda ee Baarlamaanka, ayadoo guddoomiyaha guddigaasi Xildhibaan Samaan Maxamed Sheekh uu Xildhibaannada ka hor sheegay in Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka ay Xildhibaannadu ansixiyeen bishii January ee sanadkii 2014 balse uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda dib ugu soo celiyey Baarlamaanka.

Xoghayaha Guddiga Maalliyadda ee Baarlamaanka Xildhibaan Cusmaan Xaaji Cali oo Xildhibaannada u akhriyey wax ka bedelka sharcigan lagu sameeyey iyo qodobadii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ka biya diiday ee sababta u ahaa in sharcigan dib loogu soo celiyo Baarlamaanka oo markii hore ansixiyey.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

Soo jeedintaasi kadib waxaa Xildhibaannada Baarlamaanka codeyn gacan taag aheyd ku meel mariyeen dib u eegista Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka waxaana ogolaaday 156 Xildhibaan, waxaa diiday 2, waxaana ka aamusay 1 Xildhibaan.

Sida uu qabo dastuurka dalka qodobkiisa 90aad xafarkiisa (F) wuxuu saxiixayaa sharciyada uu ansixyo Baarlamaanka si sharci looga dhigo, dhinaca kale Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta go’aansaday in dib loo dhigo xeritaanka Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka, waxaana uu Afhayeenka Baarlamaanka Xildhibaannada u akhriyey qodobka 24aad ee Xeer Hoosaadka Baarlamaanka oo ku saabsan Kalfadhiyada Golaha Shacabka, si gaar ahna farqada 5aad oo araneysa “Fadhiyada ama kalfadhiyada waxey soconayaan ilaa laga dhameeyo ajandaha hor yaala golaha iyo Hindise Sharciyeedyada deg degga ah”

Inkastoo qorshuhu ahaa in Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka uu soo xermo 27ka bishan hadana waxaa go’aankani ay ka dhigaysaa in uu Kalfadhigu sii furnaado waqti aan la cayimin, ayadoo Baarlamaankana ay hor yaalaan Ajandayaal culus oo ugu horeeyo maareynta Mooshinka Xil ka qaadidda Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ay soo gudbiyeen.

Previous Post

Xoghayaha Cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo xilka la wareegay “SAWRRO”

Next Post

Tiro dad ah oo loo qabtay qaraxii maanta ka dhacay Kismaayo

Next Post
50 Maxaabiis ah oo maanta laga sii daayay xabsiyada magaalada Kismaayo

Tiro dad ah oo loo qabtay qaraxii maanta ka dhacay Kismaayo

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In