Saturday, December 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tiro dad ah oo loo qabtay qaraxii maanta ka dhacay Kismaayo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
50 Maxaabiis ah oo maanta laga sii daayay xabsiyada magaalada Kismaayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaraxan ismiidaaminta ah oo ka dhacay xaruunta Jaamacadii hore ee Kismaayo haatana ah xero lagu tababarayo ciidamada isku dhafka ah  ayaa ku geeriyootey 13 ruux, aydoo ay ku dhaawacmeen dad lagu qayasayo ku dhawaad 30 qof sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada.

Falkani  qaraxa naftii halignimada ah ayaa loo adeegsaday gaari noociisu ahaa (Nooh) oo uu watay shaqsiga isqarxiyay, kaasi oo gudaha u galay xerada, iyadoo halkaasi uu ku qarxay, saraakiil ka tirsan ciidamada isku-dhafka ee ciidanka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen ragii la socday shaqsiga isqarxiyay, isla mar ahaantaana baaritaano lagu hayo.

Related posts

Wasiirka Caafimaad XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Caalamiga Ah Ee Doha Forum

Wasiirka Caafimaad XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Caalamiga Ah Ee Doha Forum

December 6, 2025
Kusimaha Madaxweynaha Dalka Oo Qaabilay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Caalamiga Ah Ee Is-Cafinta Iyo Nabadda

Kusimaha Madaxweynaha Dalka Oo Qaabilay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Caalamiga Ah Ee Is-Cafinta Iyo Nabadda

December 6, 2025

Col. Axmed Caato oo ah kuxigeenka taliyaha ciidanka iskudhafka ah ayaa faah faahiyaay sida ay wax u dheceen iyo baaritaanada socda.

“Saake markey ahayd sideedii subaxnimo ayaa cadowgii UGUS, uusoo weeraray xeradii ciidanka isku dhafka ah dugsigii Kismaayo qasaare wey jirtaa dhimasho iyo dhaawac, dib ayaana kasoo sheegi doonaa, waana la caabiyay, iyagoo ma aragtay isku dayeen in ay qarax labaad iyo howlo kaleba ay fuliyaan, illaah baa mahadleh dhimasho iyo dhaawacba wey jiraan laakiin natiijada dib baan kasoo sheegi doonaa, gaariga isqarxiyay Nooho oo cad ayu ahaa gaari ismiidaamin ayuu ahaa oo magaalada ka yimid, gaariga aniga lafteeyda waan dabasocday magaaladuu ka yimid albaabkii hore ee laga soo gali jiray kamuunan soo gelin wado jidcade ahoo Jaamaca qarkeeda ayuu kasoo leexday Jaamacadaan gali rabay aniga waan arkayay gaariga leexanayo, markii uu gaariga leexday oo an Jaamacada albaabkeeda aan taaganahayna qaraxa ayaan amqlay markaan kusoo noqonayna, waxaan aragnay qasaaraha uu geestay wixii kale ee daba socdayna waa la qabtay ee mucaamalaad iyo ragii ka dambeeyoo dhan waan heeynaa hada baarisbaana ku socota”ayuu

Marka laga soo tago falalka naf lacaariga ah oo ay mararka qaar geysteen koxda UGUS, waxaa marqaati ma doonto ah in looga itaal roonaaday gulufka militeriga oo ka socda gobolada dalka Soomaaliya, Shabaab ayaa lumiyay dhul badan, waxaana u dambeyeey degmooyinka Diinsoor, iyo Baardheere oo ka kala tirsan gobolada Baay iyo Gedo, kuwaasi oo istaaratiijiyada u lahaa falaagaga Shabaab.

Aadan Maxamed Salaad

 

 

Previous Post

Baarlamaanka oo ansixiyay dib u eegista Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka

Next Post

Dhalinyaro ku xanuunsan Xeryaah qaxootiga Dhadhaab oo codsaday in la caawiyo “SAWIRRO”

Next Post
Dhalinyaro ku xanuunsan Xeryaah qaxootiga Dhadhaab oo codsaday in la caawiyo “SAWIRRO”

Dhalinyaro ku xanuunsan Xeryaah qaxootiga Dhadhaab oo codsaday in la caawiyo "SAWIRRO"

Wasiirka Caafimaad XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Caalamiga Ah Ee Doha Forum

Wasiirka Caafimaad XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Caalamiga Ah Ee Doha Forum

December 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO(DOHA):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa maanta ka qayb...

Kusimaha Madaxweynaha Dalka Oo Qaabilay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Caalamiga Ah Ee Is-Cafinta Iyo Nabadda

Kusimaha Madaxweynaha Dalka Oo Qaabilay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Caalamiga Ah Ee Is-Cafinta Iyo Nabadda

December 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmay Amiir Dalka Qatar

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmay Amiir Dalka Qatar

December 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO(DOHA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay magaalada Dooxa, Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim...

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Baaq Nabadeed Kasoo Saaray Qalalaasaha Boorama

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Baaq Nabadeed Kasoo Saaray Qalalaasaha Boorama

December 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- BAAQ NABADEED Marka hore, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska iyo ehellada dadkii ku dhintay bannaanbaxii ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In