Wednesday, September 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

SIMAD: Dhismaha kulliyadda Injineeriyada oo xarigga laga jaray-SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
SIMAD: Dhismaha kulliyadda Injineeriyada oo xarigga laga jaray-SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha golaha sare ee Jaamacadda SIMAD Dr. Cabdiraxmaan Al-Muxeylaan, ayaa maanta xarigga ka jaray dhismo cusub oo loo dhisay kuliyadda Injineeriyadda oo lagu soo kordhinayo Jaamacadda, tallaabadan ayaa qeyb ka ah horumarinta jaamacadda SIMAD.

Shir jaraa’id oo uu Dr. Muxeylaan ku qabtay xarunta jaamacadda ee waddada Warshadaha, ayuu ku sheegay in tallaabadani ay qeyb ka tahay mashaariic ay ku horumarinayaan adeegyada bulshada Soomaaliyeed.

Related posts

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026

“Haduu Alle idmo, waxaan sameyn doonnaa mashaariic kale oo ay ka faa’iideysan doonaan shacabka Somalaiyeed” ayuu yiri Dr. Cabdiraxmaan oo intaa ku daray “Halkan waxaa ka muuqda dhul cusub, waxaan ku rajo weynahay inaan u dhisno Jaamacadda SIMAD isbitaal aan ugu talo galnay shacabka deggan magaaladani, waxaan soo jirnay ku dhawaad 30-sano, wanaa sii shaqeyn doonnaa inta uu Alle noogu talo galay”.

Wakaaladda Muslimiinta Afrika ayaa maamusha jaamacaddan oo la aasaasay sanadkii 1999-kii oo lagu billaabay machad xisaabaadka iyo maamulka lagu barto.

Agaasimaha Wakaaladda Muslimiinta Afrika, Sheekh Xasan Badawi oo ka hadlay furitaanka dhisman lagu soo kordhiyay jaamacadda ayaa yiri “Jimciyaddu waxay waligeed garab taagan tahay shacabka Somaaliyeed dhamaan qeybihiisa liita, jaamacadani shacabka Somaaliyeed waxay ugu adeegtaa tayo sarreysa iyo qarash aad u yar”.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan rabanaa inay u aqoonsadaan Jaamacadda SIMAD iyo mu’asasaadka kale ee Jamciyaddu leedahay inay yihiin hanti ay iyaga leeyihiin, inay ilaashadaan, in ay u arkaan wax Ilaahey uu u soo dhiibay walaaleheena hadda garabkeena taagan iyo inta kale ee ka dambeysa ama howsha la wadda”

Dhismaha cusub ee loo dhisay kulliyadda Injineeriyada ayaa ka kooban 3 dabaq oo leh qalabkii wax lagu baran lahaa sida Lap ay ardayda loogu talo galay. Sanadkii hore ayaa dabaq kan oo kale ah loo dhisay kulliyadda caafimaadka oo iminka shaqeysa, halka dhawaan la hirgelin doono Isbitaal weyn oo ay bulshadu ka faa’iideystaan.

IMG_2026IMG_1986

3V3A5478 IMG_1606 IMG_1613
IMG_2033 IMG_2052

IMG_1656 IMG_1695 IMG_1800

Previous Post

Taliska ciidanka ilaalinta deegaanka oo ka hadlay ilaalinta faya dhowrka

Next Post

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo furay shir wada tashi ah “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo furay shir wada tashi ah “SAWIRRO”

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo furay shir wada tashi ah "SAWIRRO"

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoyska, ehellada, bahda aqoonta iyo dhammaan...

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Serbia

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Serbia

September 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed barbar socday Shir-madaxeedka dalalka dhex-dhexaadka ah ee magaalada Belgrade,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In