Sunday, June 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

SIMAD: Dhismaha kulliyadda Injineeriyada oo xarigga laga jaray-SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 25, 2015
in Wararka
0
SIMAD: Dhismaha kulliyadda Injineeriyada oo xarigga laga jaray-SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha golaha sare ee Jaamacadda SIMAD Dr. Cabdiraxmaan Al-Muxeylaan, ayaa maanta xarigga ka jaray dhismo cusub oo loo dhisay kuliyadda Injineeriyadda oo lagu soo kordhinayo Jaamacadda, tallaabadan ayaa qeyb ka ah horumarinta jaamacadda SIMAD.

Shir jaraaโ€™id oo uu Dr. Muxeylaan ku qabtay xarunta jaamacadda ee waddada Warshadaha, ayuu ku sheegay in tallaabadani ay qeyb ka tahay mashaariic ay ku horumarinayaan adeegyada bulshada Soomaaliyeed.

Related posts

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo u ambabaxay dalka Jabuuti

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo u ambabaxay dalka Jabuuti

June 1, 2025
๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ฅ๐š๐Ÿ๐š-๐ ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐—๐š๐ฌ๐ข๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š

โ€œHaduu Alle idmo, waxaan sameyn doonnaa mashaariic kale oo ay ka faaโ€™iideysan doonaan shacabka Somalaiyeedโ€ ayuu yiri Dr. Cabdiraxmaan oo intaa ku daray โ€œHalkan waxaa ka muuqda dhul cusub, waxaan ku rajo weynahay inaan u dhisno Jaamacadda SIMAD isbitaal aan ugu talo galnay shacabka deggan magaaladani, waxaan soo jirnay ku dhawaad 30-sano, wanaa sii shaqeyn doonnaa inta uu Alle noogu talo galayโ€.

Wakaaladda Muslimiinta Afrika ayaa maamusha jaamacaddan oo la aasaasay sanadkii 1999-kii oo lagu billaabay machad xisaabaadka iyo maamulka lagu barto.

Agaasimaha Wakaaladda Muslimiinta Afrika, Sheekh Xasan Badawi oo ka hadlay furitaanka dhisman lagu soo kordhiyay jaamacadda ayaa yiri โ€œJimciyaddu waxay waligeed garab taagan tahay shacabka Somaaliyeed dhamaan qeybihiisa liita, jaamacadani shacabka Somaaliyeed waxay ugu adeegtaa tayo sarreysa iyo qarash aad u yarโ€.

โ€œShacabka Soomaaliyeed waxaan rabanaa inay u aqoonsadaan Jaamacadda SIMAD iyo muโ€™asasaadka kale ee Jamciyaddu leedahay inay yihiin hanti ay iyaga leeyihiin, inay ilaashadaan, in ay u arkaan wax Ilaahey uu u soo dhiibay walaaleheena hadda garabkeena taagan iyo inta kale ee ka dambeysa ama howsha la waddaโ€

Dhismaha cusub ee loo dhisay kulliyadda Injineeriyada ayaa ka kooban 3 dabaq oo leh qalabkii wax lagu baran lahaa sida Lap ay ardayda loogu talo galay. Sanadkii hore ayaa dabaq kan oo kale ah loo dhisay kulliyadda caafimaadka oo iminka shaqeysa, halka dhawaan la hirgelin doono Isbitaal weyn oo ay bulshadu ka faaโ€™iideystaan.

IMG_2026IMG_1986

3V3A5478 IMG_1606 IMG_1613
IMG_2033 IMG_2052

IMG_1656 IMG_1695 IMG_1800

Previous Post

Taliska ciidanka ilaalinta deegaanka oo ka hadlay ilaalinta faya dhowrka

Next Post

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo furay shir wada tashi ah “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo furay shir wada tashi ah “SAWIRRO”

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo furay shir wada tashi ah "SAWIRRO"

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo u ambabaxay dalka Jabuuti

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo u ambabaxay dalka Jabuuti

June 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa galabta u ambabaxay Jamhuuriyadda aan...

๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ฅ๐š๐Ÿ๐š-๐ ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐—๐š๐ฌ๐ข๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š

๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ฅ๐š๐Ÿ๐š-๐ ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐—๐š๐ฌ๐ข๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š

June 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulan gaar ah, oo uu guddoominayay Raโ€™iisul Wasaare ,Mudane...

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluug oo si rasmi ah u saxiixay xeer-nidaamiye cusub

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluug oo si rasmi ah u saxiixay xeer-nidaamiye cusub

June 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay xeer-nidaamiye...

Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha

Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha

June 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane. Dr. Hassan Sheikh Mohamud oo ka ambaaqaaday gogoshii uu horey ugu dhawaaqay ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In