Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhismaha waddo isku xirta Eyl iyo Dongorayo oo laga hadlay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 26, 2015
in Wararka
0
Dhismaha waddo isku xirta Eyl iyo Dongorayo oo laga hadlay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo looga hadlayay dhismaha Waddo isku xirta deegaanada Eyl iyo Dongorayo ayaa lagu qabtay xarunta dowladda hoose ee degmada Eyl, Waxaana kulankan ka qayb-galay qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanadaas.

Xubnaha kulankan joogay waxaa kamid ahaa duqa degmada Eyl Muuse Cismaan Yuusuf, guddoomiyaha guddiga dhaqaale ururinta wadadaas  Aadan Maxamed Ciise Gaadaale, guddoomiye ku xigeenka hay’adda waddooyinka ee deegaannada Puntland Maxamuud Cali Gurey iyo Xildhibaanno ka tirsan barlamaanka maamulkaasi, kaasi o diiradda lagu saaray sidii bulshada deegaannadaasi ay uga qeyb qaadan lahaayeen dhismaha jidkan oo la sheegay in uu muhiim u yahay isku xirka dadka iyo gaadiidka, waxaana goob joog ka ahaa qaar ka mid ah ganacstada gobolka Nugaal.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

July 1, 2025
Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

July 1, 2025

“Baahida shacabka halkan ku nool kow iyo labo ayey ka tahay dhismaha wadada Eyl soo gasha, waadna la socotaan in 30-km oo ka mid ah jidkan uu yahay dhagax iyo Jay ay dadku dhibaato ku qabaan” ayuu yiri duqa degmada Eyl Muuse Cismaan .

Guddoomiyaha guddiga dhaqaale ururinta wadada Eyl iyo Dongorayo Aadan Maxamed (Gaadaale ) ayaa ka dalbaday bulshada in ay ka qayb-galaan dhismaha wadadan.

“Socdaalkii aan ku soo marnay ,Qarxis ,Dongorayo iyo Eyl waxa ay tahay sidii aan bulshada u fahan-siin lahayn muhiimadda uu jidkan u leeyahay bulshada iyo sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen dhismihiisa” ayuu yiri Gadaale.

Xildhibaan Cabdisalaan Xuseen Bootaan oo ka mid ah mudanayaasha barlamaanka Puntland ayaa isna sheegay in dowladda ay ku cadaadinayaan sidii kaalin muuqata ay uga qaadan lahayd dhismaha jidkan oo muddo laga arinsanayay.

Ugu dambeyn, qaar ka mid ah dadkii ka soo qayb-galay kulanka ayaa dhismaha wadada ugu deeqay lacago ,boosas iyo waliba xoolo nool, iyadoo qaar ka mid ah shirkadaha ka howlgala Puntland ee xafiisyada kuleh Eyl loogu baaqay in ay ka qayb-galaan dhismaha jidka.
sawir 1 sawir 2 sawir 3 sawir 4 sawir 5 sawir 8 sawir 9 sawir 10 sawirka 6 sawirka 7

Previous Post

R/wasaare ku xigeenka oo maanta qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub “Sawirro”

Next Post

Madaxweynaha J. F. S. oo kulamo la qaatay waxgaradka iyo bulshada degmada Diinsoor

Next Post
Madaxweynaha J. F. S. oo kulamo la qaatay waxgaradka iyo bulshada degmada Diinsoor

Madaxweynaha J. F. S. oo kulamo la qaatay waxgaradka iyo bulshada degmada Diinsoor

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

July 1, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay munaasabadda xuska sannad guurada 65-aad ee xornimada iyo Midnimada...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

July 1, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo ku astaysan 65-...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania

July 1, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay fiidkii oo Isniin ahayd kaga qeybgalay Xuska 65...

Guddoomiye Aadan madoobe oo diray hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo

Guddoomiye Aadan madoobe oo diray hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo

July 1, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed meel...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In