100 askari oo isugu jira 75 leyli sarkaal ah iyo 25 booliis militaare ah oo tababar loogu soo gaba gabeeyay xerada tababarka ciidanka ee Jasiira ayaa waxa ay maanta halkaas kusoo bandhigeen dhoolatus ku saabsan waxyaabihii ay barteen muddadii uu tababarka u socday.
Waxyaabaha ay soo bandhigeen ciidamada waxaa ka mid ahaa habka gawaarida iyo baraha kontoroolka loo ilaaliyo,sida rabshadaha looga hortago,iyo sida loo qab qabto abaabulayaasha dibax baxyada iyo sidoo kale howl gelinta.
Goobta dhoola tuskan lagu soo bandigay waxaa ku sugnaa abaanduulaha ciidanka xooga dalkasoomaaliyeed, howlgalka tababarrada Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan AMISOM.
Intaasi ka dib munaasabad kooban oo tababarka lagu soo gaba gabeynayay ayaa waxaa lagu qabtay hoolka shirarka ee dugisga tababarka ciidanka ee Jasiira,waxaana mas’uuliyiinta howlgalka tababarrada Midowga Yurub ee Soomaaliya ay u hambalyeyeen askartan uu maanta tababarka usoo gaba gaboobay, isagoo kula dar daarmay in dalkooda iyo dadkooda si daacadnimada ah ay ugu shaqeeyaan sida uu sheegay Colonel Uif Siverstedt oo ah taliye ku xigeenka howlgalka tababarada Midowga Yurub ee Soomaaliy, sida uu yiri
“ujeedada waxa ay tahay waxaan maanta tababar u soo gaba gabeynay booli militaare iyo leyli sarkaal,waxaana ay cadeyn u tahay howsha adage ee EUTM ama howlgalka tababarada midowga yurub uu ka wado soomaaliya,waxaana ay qeyb ka tahay taageerada midwga yurub uu soomaaliya siinaayom,waxaana ciidankan mudada uu tababarka u socday la baray waxyaabo ay ka mid yihiin xuquuqda aadanaha iyo hogaaminta tani ay waxa ay ku imaaday wada shaqeynta dadaalo ay sameeyeen hogaanka ciidanka xooga dalka soomaaliyeed iyo howlgalka tababarada midowga yurub ee soomaaliya’’