Heshiiskan aya a waxaa SNTV u saxiixey Agaasimaha Waaxda TV-ga Qaranka iyo Warbaahinta Gaarka Loo Leeyahay Md Abdiraxmaan Yuusuf Sh Al cadaala,halka Dowladda Turkey uu u Saxiixay Agaasimaha Tv-a iyo Idaacadda TRT Mr Senol Goka.
Mr Abdiraxmaan ayaa amaaney sida Maxda TRT ay usoo dhoweeyeen Isagoo uga mahadceliyey sida ay u garabtaaganyihin walaalahooda Soomaaliyeed oo hada soo kabanaya dagaallo sokeeya oo sanado badan kasocdey Dalkooda.
Labada agaasime ayaa si wada jir ah u soo dhoweeyey heshiiskan labada tv ay kala saxixdeen,kaasi oo ay sheegeen in uu wadada u xaari doono wax wada
qabsi waara oo uu udhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah ee Turky iyo Soomaaliya.
Heshiiska oo ka dhacay xarunta Tv ga TRT ee magaalada Ankara ayaa waa waxaa gobjoog ahaa Masuuliyiin ka socday Safaarada soomaaliya ee wadankan Turkey oo uu ugu horeeyo Abduqadir Maxamed Xuseen (barkhadle) oo ah ku xigeenka koowaad ee Xoghaya Safaarada Soomaaliya ee Dalka Turkey.
Mr Abduqaadir ayaa heshiiska ku tilmaamey Guul umada soomaaliyeed u soo hooyatey maadaama manta Tvgii wadanka Turkey ugu weynaa uu heshiis la
saxiixda Tvga qaranka soomaalieed
Sidoo kale waxaa heshiiska Isna goob jog ka ahaa Sirkaalka Safaaradda Soomaaliya u qaabilsan dhaqanka iyo wax barashada Mudane Abdiaziis Abdiraxmaan Hassan.
Agaasimaha ayaa dhinaca kale Booqasho ku tagay Wakaaladda Wararka Anadol Agency isaga oo Kormeeray Qeybaha ay ka koobantahay Wakaaladdaasi iyo sida ay u shaqeyso
Agaasimaha Tvga Qaranka ayaa Madaxda Wakaladda Wararka Anadol warbixin ka siiyay Habka uu u shaqeyo Tv-ga Qaranka Soomaaliyeed, iyo Muhiimadda ay leedahay dardar galinta Howlaha Wakaladda Wararka Soomaaliyeed SONNA taas oo Warbaahinta Caalamku ka xiganjireen Wararka ka dhaca Soomaaliya
Agaasimaha Warbaahinta Tv-ga Qaranka iyo Saxaafadda Madaxa banana C.raxmaan Yuusuf Sh Ayaa Sidoo kale Booqasho ku tagay Xarunta Golaha Saxaafadda Wadanka Turkey ee loo yaqaano TURUR oo laga maamulo dhammaan Idaacadaha iyo Tv-yada Wadankaasi ka howlgala.
Xogahayaha Guud ee TRT Seno Goka ayaa Hadiyad Guddoonsiiyay Agaasimaha Tv-ga Qaranka C.raxman Yuusuf Sh isagoo Xusay in ay garab istaagayaan Tvga Qaranka Soomaaliyeed Haddeytahay Qalabeen iyo Tababarid Shaaale.