Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya Sahro Cali Samatar oo ka mid ahayd Mas’uuliyiintii Dowladda ee shalay Booqday Gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan Degmada Marka ayaa sheegtay in booqashadeeda marko ay tahay inay wax badan ka ogaato inay jiraan dacadiyo lagula dhaqmay shacabkaas.
“Aniga halkaan uma imaan howlo siyaasadeed waxaan u imaaday dhibaatooyinka xuquuqul insaanka inaan ogaado, marka mar hore inaan imaaday ahayd si aan wax badan uga ogaado xaaladihiinna” Ayey tiri Wasiirka Haweenka.
Si doo kale Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Soomaaliya Sahro Cali Samatar ayaa dadka reer marka uga tacsiyadeysay dhibaatadii dhawaan ka dhacday Magaaladaas.
Madaxweynaha Maamulka koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isna ka mid ahaan Mas’uuliyiintii tagay Magaalada Marka ayaa dadka ka codsaday in ay xoojiyaan Dowladnimada iyo wanaagga Nabadda iyada oo laga Duulayo dhibaatada dagaalka Sokeeye .
“Shabaab yaanan laga cabsan Ilaah ayaa wax dila , shabaab waa Dhiman Adduunka dambi ka soo galay maaha marka inay nagu soo Dhuumaaleystaan annagana aan garabsiinno aan iska Celino innaga oo iskaashanayna Shabaab” Ayuu yiri Madaxweynaha Koonfyr galbeed Shariif Xasan Sheekh aadan.