Wednesday, January 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Ganacsiga Oo Talyaaniga uga qayb galaya Bandhig Carweed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Ganacsiga oo ku baaqay in la maalgeshado dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo wafdi  uu hoggaaminayo ayaa maanta u Amba baxay dalka Talyaaniga si ay uga qayb galaan Bandhig Carweed  ka socda dalkaas kaasi oo  lagu soo bandhigi doono hidaha uu dalwalibo caank ku yahay.

Bandhig Carweedkaan oo uu  furitaankiisii hore ka qayb galay wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya ayaa socday Muddo lix bilood ah waxaana intii uu socday lagu soo bandhigay   Hidaha iyo dhaqanka uu dalwalibo Caanka ku yahay.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

January 13, 2026
Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

January 13, 2026

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan ayaa sheegay in muddo shan iyo labaatan sano kaddib Soomaaliya ay bandhig Carweedkaan ka qayb galayso taas  uu tilmaamay in sababteeda ay tahay ganacsiga Soomaaliya oo kor u gacay.

“sidaan horay idin kuugu sheegay waaye waxaan u soconnaa bandhig carweed lagu qaban doono dalka talyaanig, waa markii ugu horreeysay oon bandhiggaas ka qayb galno, waxaana suurto galka dhigay taa dhaqaalaha Dowladda oo kor u kacsameeyay” Ayuu yiri wasiirka ganacsiga Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamuud Cabdi Cali Gabayre ayaa sheegay in  Shantii Sanaba mar bandhig Carweedkaan la qabto isagoo intaa ku daray in sadexda Bishaan bandhig carweedkaas lagu soo Bandhigi doono  Astaanta qaranka.

Wafdiga uu hoggaaminayo  wasiirka ganacsiga ee maanta u Amba baxay dalka Talyaaniga ayaa hor u dhac u ah wafdi uu hoggaamin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo gaari doona dalka Talyaaniga si ay uga qayb galaan bandhig Carweedkaas.

Previous Post

Danjire Daahir Geelle oo la kulmay guddoomiyaha Gobolka Riyaad ee Sacuudiga

Next Post

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo maanta xukunno ku ridday ee deysanayaal”SAWIRRO”

Next Post
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo maanta xukunno ku ridday ee deysanayaal”SAWIRRO”

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo maanta xukunno ku ridday ee deysanayaal"SAWIRRO"

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

January 13, 2026
0

Magaalada Ankara ayaa lagu qabtay munaasabad lagu saxiixayay hirgelinta heshiiskii iskaashiga (MoU – June 2016) ee u dhexeeyay Wasaaradda Shaqada...

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

January 13, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Meru Mutuma M'Ethingia iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya ee...

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

January 13, 2026
0

Kulanka Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sacuudiga, oo uu shir-guddoominayay Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis Aala Sacuud, ayaa si cad u muujiyay in...

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

January 13, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey go'aanka Golaha Xukuumadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In