Xafladda Qalin jebinta ardayda dugsiga sare dufcadda 1’aad ee Ardayda Soomaliyeed ee Turkiga wax ka baranaayay ayaa lagu qabtay magaalada caasimadda ah ee Ankara xafaladdaa oo ay soo agaasimeen ururka midowga ardayda soomaaliyeed ee Turkiga (UMASET).
Xafaladda oo si heer sara loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyba galay laguna soo dhaweeyay masuuliyiin uu ugu horeeyo danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalkan Turkiga C/llaahi Maxamad Cali Sambaloolshe iyo masuuliyiin ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga
Ugu horreyntii waxaa xafladda daah furay guddoomiyaha guud ee ururka midowga ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga cabdinaasir xassan caabi oo ardayda qalin jebisay ugu hambalyeeyay guusha ay gaareen dhamaan ardayda soomaaliyeedna ay la wadaagayaan farxaddaan war bixin koobanna ka bixiyay ardayda wax ka barta dalka Turkiga
sidoo kale waxa uu u mahad celiyay dhamaan ka soo qeyb galayaasha xafladda oo uu ugu horeeye safiirka cusub ee dalka soomaaliya u fadhin doona dalkani Turkiga iyo sidoo kale uqaabisana safaaradda dhanka Dhaqanka iyo Tacliinta ardayda magaalooyına fog fof ka yimi sidoo kale jaaliyadda soomaaliyeed ee ku nool magaalada Ankara waalidiinti ka soo qeyb gashay xafladda iyo dhammaan marti sharafti ka soo qeyb gashay xafladda
Sidoo kale waxaa madasha ka hadlay danjire C/llaahi Maxamad Cali Sambaloolshe oo sheegay in uu ku faraxsan yahay xafladda quruxda badan ee lagu maamuusaayo qalin jebinta dufcadda 1’aad ee Ardayda Soomaliyeed ee Turkiga iyo sida quruxda badan ee loosoo dhaweeyay waxa una ku bogaadiyay guusha ay gaareen arday waxa uuna kula dardaarmay in aysan wax barashada kah arin oo ay halkeeda kasii wadaaan sidoo kale waxa uu sheegay in ay muujineso arintani horamarka ay gaareyso soomaaliya dhanka tacliinta
Ugu dambentii waxaa shahaadooyin uu guddoonsiiyay safiirka ardayda qalin jebisay sidoo kale waxaa shahaado sharaf la gudoonsiiyay danjire C/llaahi Maxamad Cali Sambaloolshe waxa ayna xafladdu ku soo gaba gaboowday jawi heer sara ah oo ay ka muuqatay farxad iyo isku hambalyeeyn .