Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Banaan bax ka dhan ah maleeshiyaadka UGUS oo ka dhacay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Banaanbaxan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu cambaareyay falalka wuxuushnimo ee ay maleeshiyada Kooxda UGUS ay ka geystaan gudaha Soomaaliya gaar ahaan weerarada gaadmada ah ee ay ku qaadan Xarumaha Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM oo ay ugu dambeysay weerarkii lagu qaadya xarunta ciidanka AMISOM ay ku lahaayeen degmada Janaale oo ay ka qeyb galeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Boqolaal haween ah, Guddoomiye ku-xigeenka Haweenka Qaranka, Guddoomiyaha haweenka Gobolka banaadir, xubno ka tirsan Wasaaradda Amniga Qaranka iyo mas’uuliyiinta hay’adda wada hadalka Bulshada ee C.C.D, waxaana kulanka soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka oo gacan ka helay hay’adda wada hadalka Bulshada

Mid ka mid ah dhallinyaradii kulanka soo qaban qaabiyay ayaa sheegay in dhallinyarada ay muujiyaan kaalintooda amni ee kaga aadan Wadanka, wuxuuna ugu baaqay dhallinyarada UGUS u dagaalanta in diinta Islaamka tahay mid nabad geliyo.

Related posts

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

January 13, 2026
Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

January 13, 2026

Canab Xasan Cilmi Guddoomiye ku-xigeenka Ururka haweenka Qaranka iyo  Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Maxamed Baarqab ayaa si wada jir ugu baaqay shacabka Soomaaliya in ay garab istaagaan ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo u taagan inay naftooda u huraan  badbaadinta dalka iyo dadka.

Xildhibaan Caasho Koos oo ka tirsan Mudaniyaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa tilmaamay inay muuqato ifafaalo nabadeed oo keentay in shacabka gaar ahaan haweenka ay muujiyaan dareenkooda iyo danta Ummadda, iyadoo ku baaqday in la’iska kaashado aayaha Wadanka.

 

 

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u furay askar ka mid noqonaya ciidanka booliska “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda Tacliinta sare oo soo bandhigtay arday ku guuleysatay deeq waxbarasho

Next Post
Xal u helida is maandhaafka u dhaxeeya wasaaradda waxbarashada iyo Daladaha waxbarashada oo kulan laga yeeshay

Wasaaradda Tacliinta sare oo soo bandhigtay arday ku guuleysatay deeq waxbarasho

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

January 13, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Meru Mutuma M'Ethingia iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya ee...

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

January 13, 2026
0

Kulanka Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sacuudiga, oo uu shir-guddoominayay Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis Aala Sacuud, ayaa si cad u muujiyay in...

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

January 13, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey go'aanka Golaha Xukuumadda...

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

January 13, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ay qeyb ka yihiin Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka JFS ayaa goordhow gaaray Caasimadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In