Friday, July 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Marwo Caasho Geele Oo Xalay  casho sharaf   magaalada Gaalkacyo ugu sameysay Madaxweynaha Maamulka  Puntland iyo Mas’uuliyiin Kale “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Marwo Caasho Geele Oo Xalay  casho sharaf   magaalada Gaalkacyo ugu sameysay Madaxweynaha Maamulka  Puntland iyo Mas’uuliyiin Kale “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafladda cashada oo si habsami leh u qabsoontay ayaa waxaa sidoo kale lagu marti-qaaday Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland  Siciid Xassan Shire, Wasiiro, Xildhibaano, maamulka Gobalka Mudug, Maamulka Degmada Gaalkacyo, Waxgarad, Haween iyo masuuliyiin kale.

Marwo Caasho Geelle oo ka hadashay madasha ayaa sheegtay in iyada iyo qoyskeeduba  casho sharaftaan u sameeyen Madaxweynaha Maamulkaa Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas , maadama uu magaalada Gaalkacyo u joogo howlo shaqo , islamarkaana ay si wanaagsan Gobalka Mudug uga soconayaan mashaariicda horumarineed ee Dawladda Puntland fulinayso

Related posts

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

July 16, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

July 16, 2026

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Marwo Caasho Geelle iyo cidkasta oo gacan weyn ka geysatay casho sharaftaan, haweenka Puntland ayuuna ku amaanay doorka lama ilaawaanka ah ee ay mar walba ka qaataan horumarka iyo Nabad-gelyada Dalka.

‘’Runtii waan isaga baahneyn inaan magaalada u soo baxno , howl culus oo aan kala go’ laheyn ayaan kujirnaa , habeenkiina wixii maalinti la qabtay ayaa layska waraystaa ‘’ Ayuu yiri Dr Gaas.

Munaasibadda cashada ayaa intii ay socotay lagu wada qaatay jewi wanaagsan oo saldhig u ah Nabadda iyo Horumarka baaxadda leh ee ka soconaya guud ahaan Puntland, gaar ahaana Gobalka Mudug oo dhabada wanaaga cagta saaray.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug , waxay hada tartan xoog leh oo dhinac kasta ah kula jirtaa magaalooyinka kale ee Puntland iyo wadamada horumaray , xiliyada habeenkii iyo maalintii amnigeedu waxaa uu gaarsiisan yahay halkii laga rabay, taasna waxaa iska kaashaday shacabka iyo laamaha amaanka Puntland .

 -DHAMMAAD-

IMG_4988 IMG_4989 IMG_4992 IMG_5001 IMG_5006 IMG_5020 IMG_5033 IMG_5035 IMG_5040 IMG_5048 IMG_5058 IMG_5063 IMG_5064 IMG_5078

Previous Post

Guddoomiyaha Ganacsarada Soomaaliyeed Ee Turkey Oo Qada sharaf u Safiirka Soomaaliya Ee Dalka Turkey+Sawirro

Next Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

July 16, 2026
0

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa caawa kulan miro-dhal ah la...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

July 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u qaabilsan Soomaaliya...

Hay’adds SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan deegaannada Kabxanleey iyo Deefow

Hay’adds SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan deegaannada Kabxanleey iyo Deefow

July 16, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta bulshada ku nool deegaannada Kabxanleey iyo Deefow ee hoostaga magaalada Beledweyne, xarunta...

Golaha Wasiirrada oo meel mariyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah

Golaha Wasiirrada oo meel mariyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah

July 16, 2026
0

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In