Sunday, June 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Boqollaal arday oo u fariisatay wajiga kowaad ee imtixaanka qabuulka ee Jaamacadda Capital “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Boqollaal arday oo u fariisatay wajiga kowaad ee imtixaanka qabuulka ee Jaamacadda Capital “Sawirro”

?????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa Xarunta Jaamacadda Capital ee Soomaaliya ka bilowday wajiga koowaad ee Imtixaanaadka ogolaanshaha Waxbarshada Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda,  ardeyda imtixaanka u fadhiisatay ayaa wajiyadooda laga dheehan karay farxad aad u sarreysa iyo qanaacad ay ku qabaan jaamacadda Capital.

Imtixaanka oo lagu galay hoolal waaweyn oo jaamacaddu u diyaarisay ayaa waxaa kor joogayaal ka ahaa macallimiinta jaamacadda ayadoo isla markaana ay kormeer ku joogeen madaxda Capital University oo go’aansaday inay waqtigooda qaaliga ah geliyaan habsami u socodka imtixaanka lagu soo galayo jaamacadda, arrintan oo dhiirrigelin u ahayd ardaydan cusub ee dugsiga sare ka soo baxday.

Related posts

Danjire Jaamac oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso

Danjire Jaamac oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso

June 28, 2026
Dalka Australia oo looga dabaaldegay maalinta xornimada Jabuuti

Dalka Australia oo looga dabaaldegay maalinta xornimada Jabuuti

June 28, 2026

Intii uu socaday imtixaanka ayaa waxa soo kormeeray guddoomiyaha Jaamacadda Capital Dr. Abdulkadir Wehliye Afrah, gudoomiyaha Mu’assasada (Capital Foundation) Dr. Ahmed Ga’al Ali (carabow). Waxaa ku wehelinayay howsha kormeerka  Dr. Ahmedrashid Hanafi oo ah Professor caan ah oo ku xeel dheer arrimaha waxbarasha dalkan Soomaaliya oo uu muddo fog ku dhex jiray, gaar ahaan tacliinta sare isagoo wax ka soo dhigayay Jaamacadaha dalka.

Khabiir Dr Ahmedrashiid Hanafi ayaa ugu hambalyeeyay ardaydan go’aansatay inay sii wataan waxbarashadooda heerka Jaamacadeed waxa uuna ku boorriyay inay labalaabaan dadaalkooda si ay uga miro dhaliyaan tacliinta sare ee ay doorteen ayagoo la imaanaya dadaal iyo dul qaad dheeri ah. “waxaad haysataan fusad qaali ee waa inaad ku dadaashaan oo aad xoogga saartaan waxbarashda, aadna ogaataan in dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay idinka sugayaa inaad ka saartaan burburka iyo dib u dhaca” ayuu Dr Hanafi ku soo gabagabeeyay hadalkiisa.

Ugu dambeynt maamulka jaamacadda Capital ayaa u hambalyeeyay ardayda cusub wuxuuna ku boorriyay inay u diyaar groobaan socdaalka dheer ee wax barasho lana yimaaddaan dadaal dheeraad ah si ay u gaaraan himilooyinkooda.

?????
?????
?????
?????
?????
?????
?????
?????
?????
?????
?????
?????
?????
?????
?????
?????
?????
?????
?????
?????

Previous Post

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo deeq gaarsiisay qoysas ku nool xerada Xagardheer

Next Post

Wasaaradda Ganacsiga oo hoos u dhigtay qiimaha Shatiga Ganacsiga-SAWIRRO

Next Post
Wasaaradda Ganacsiga oo hoos u dhigtay qiimaha Shatiga Ganacsiga-SAWIRRO

Wasaaradda Ganacsiga oo hoos u dhigtay qiimaha Shatiga Ganacsiga-SAWIRRO

Danjire Jaamac oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso

Danjire Jaamac oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso

June 28, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Burkina Faso, Danjire Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Macdanta iyo...

Dalka Australia oo looga dabaaldegay maalinta xornimada Jabuuti

Dalka Australia oo looga dabaaldegay maalinta xornimada Jabuuti

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Sanad-guurrada 49-aad ee Xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa si weyn looga dabaaldegay magaalada Melbourne ee dalka Australia, halkaas oo ay...

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Carabta

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Carabta

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, ayaa maanta kulan la qaatay Xoghayaha...

Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray magaalada Baydhaba

Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray magaalada Baydhaba

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In