Kulankaan oo lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa isugu yimid Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ee Ahlu Sunna waljamaaca waxaana kala qayb galay wasiirka wasaarada Diinta iyo awqaafta xukuumadda federaalka ah iyo wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha kulankaas ayaana looga dhawaaqay gole ay ku mideysan yihiin culimaa,udiinka Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dadaalada lagu bixiyay in la sameeyo goalaha guud ee Culimada Soomaaliyeed waxaa ka hadlay qaar badan oo ka mid ah culimada ka qayb gashay kuwaas oo dhamaantooda isla qaatay in lala shaqeeyo hugaanka cusub oo mudo lix bil ah jiri doono ka dibna doorasho guud qaban doona in dowladda federaalka ah ay garab taagan tahay culimadu ayayna sheegeen ka qayb galayaasha kulankaasi.
Haddaba golaha hagaanka ee maanta lagu dhawaaqay howsha laga doonayo in uu qabto mudadaas lixda bil ah waa mid ceynkee ah Sheikh Cabdulqaadir Soomow oo ka mid ah culimada Ahlu Sunna waljamaaca ayaa yiri “Golahaan sababaha loo dhisay baahida keentay waa sida soo socota waxa uu qabanyo iyo waxa uu yahay kow in uu u istaago mideynta dhamaan Culimada Soomaaliyeed labo in uu istaago ka qayb qaadashada dib u heshiisiinta dalka”ayuu yiri Soomow”
Wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Xasan {Nuux} oo hadal ka jeediyay munaasabada ayaa waxaa sheegay in muhiimad weyn ay bulshada u ledahay in culimada ay hugaan mideysan yeeshaan waxaana uu ka codsaday Culimada in dhalinyarada ay gacanta ku qabtaan oo wacyi galin u sameeyaan.
“In aan hal codsi idiin soo jeediyo oo ah in ay culimadu gacanta ku qabtaan dhalinyarada waad ogtihiin in ay ku jiraan mashaqooyin badan iyo aragtiyo kaleeto ka duwan teena asalka ah”ayuu yiri wasiir Nuux” ayuu yiri wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha.
Ugu dambeyntii ayaa waxaa munaasabada soo gunaanaday wasiirka awqaafta iyo arimaha Diinta mudane Cabdul qaadir Sheekh Cali Ibraahim Baqdaadi waxaana uu culimada ku bogaadiyay in ay door muuqda ka qaataan sidii bulshada horumarka loogu hagi lahaa.
“Waxaan baarikayaa Majliskaan la aas aasay waa majlis guud oo culimada Soomaaliyeed ay ku kulantay dariiqadii iyo mas’uuliyiitii kala duwanaa ee u tagnaa howshaan aad baan u baarikayaa waad mahadsan tihiin waxaana idinku guubaabinayaa in aad la hadashaan cid alaale cidii Soomaali ah culimaa udiin ah ee dood qaba”ayuu yiri wasiir Baqdaadi.