Sunday, June 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Oo Gaalkacyo Qado Sharaf Ugu Sameeyey Odayaal Dhaqameed “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
September 11, 2015
in Wararka
0
Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Oo Gaalkacyo Qado Sharaf Ugu Sameeyey Odayaal Dhaqameed “SAWIRRO”

????????????????????????????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo booqasho ku jooga gobolka Mudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo kulan qado ah kula qaatay qaar ka mid ah
odayaasha dhaqanka gobolka.

Kulankan qado sharafta ah oo ka dhacay hotelka Sugulle ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa kasoo qeybgalay odayaasha dhaqanka gobolka qaarkood iyo xubno ka tirsan Puntland waxaana looga hadlay ballan qaadyo uu horey ugu sameeyey Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka iyo waxyaabaha ka hirgalay ballan qaadyadaasi.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka teleefonka kula hadlay Madaxweyne Erdoğan

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka teleefonka kula hadlay Madaxweyne Erdoğan

May 31, 2025
Danjire Jabriil oo qaabilay Safiirka India ee Soomaaliya iyo Kenya

Danjire Jabriil oo qaabilay Safiirka India ee Soomaaliya iyo Kenya

May 31, 2025

Wasiirudowlaha caafimaadka Puntland Mudane C/laahi Jaamac Cali oo kulanka goobjoog ka ahaa ayaa khudbad kooban oo uu ka jeediyey ayaa waxa uu faah faahin ka siiyey Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka xaaladda deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Mudug oo ay ka mid tahay degmada Toowfiiq oo horey uu booqasho ugu tagay iyo hormarrada ka jira.

Saciid Nuur Xirsi oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka gobolka Mudug gaar ahaanna ku hadlayey magaca odayaasha degmada Towfiiq ayaa kusoo dhaweeyey Guddomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka magaalada Gaalkacyo iyo gobolka Mudug waxaana uu aad u ammaanay sida uu fursad ugu siiyey in mar walba bulshadiisa ka warqabo, hageysto islamarkaana wax u qabanaya dadka uu metello.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo khudbad ka jeediyey kulanka ayaa uga mahad celiyey Odayaasha dhaqanka sida ay u aqbaleen casuumaadiisa
waxaana uu dhanka kale xusay in uu aad ugu faraxsan yahay islamarkaana uu ugu yimid bulshada uu metello iney weeydiiyeen waxyaabaha ka qabsoomay ballan qaadyadii horey loo sameeyey iyo waxyaabaha la doonayo in hada la qabto oo ay u baahan yihiin bulshada deegaan doorashooyinka uu metello.

Mudane Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Gaalkacyo soo gaaray maalinnimadii arbacada ee aynu kasoo gudubnay halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey waxaana uu la kulmi doonaa inta uu joogo maamulka gobolka Mudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

 

 

Previous Post

Ururka haweenka Qaranka oo deeq u qeybiyay qoysas danyar ah “Sawirro”

Next Post

Saldhig Booliis oo deegaanka Sadax Higlo maanta laga dhagax dhigay “Sawiro”

Next Post
Saldhig Booliis oo deegaanka Sadax Higlo maanta laga dhagax dhigay “Sawiro”

Saldhig Booliis oo deegaanka Sadax Higlo maanta laga dhagax dhigay “Sawiro”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka teleefonka kula hadlay Madaxweyne Erdoğan

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka teleefonka kula hadlay Madaxweyne Erdoğan

May 31, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan....

Danjire Jabriil oo qaabilay Safiirka India ee Soomaaliya iyo Kenya

Danjire Jabriil oo qaabilay Safiirka India ee Soomaaliya iyo Kenya

May 31, 2025
0

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ku qaabilay Danjire...

Danjiraha JFS ee dalka Yemen oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo u gudbiyay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi

Danjiraha JFS ee dalka Yemen oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo u gudbiyay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi

May 31, 2025
0

RADIO MJQDISHO: Danjiraha JFS ee dalka Yemen Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga...

Wasiir-dowlaha Beeraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galay shirka IFAD

Wasiir-dowlaha Beeraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galay shirka IFAD

May 31, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiir-dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Mudane Asad Cabdirisaaq Maxamed, oo hoggaamiya wafdiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In