Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka iyo Ururrada bulshada oo shir yeeshay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
DAAWO-Banaanbax looga soo horjeedo Sawir Gacmeedyo lagu aflagaadeeyay Nabi Muxamed NNKH oo Muqdisho lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan Wadatashiga ah ee maanta ay isugu yimaadeen guddiga Madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo qeybaha kala duwan ee Ururada Bulshada rayidka ah oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa diiirada lagu saaray sidii labada dhinac ay wada tashi iyo wada shaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen.

Kulanka oo muddo dhowr saacadood ah socday ayaa la isku weydaarsaday talooyin muhiim ah oo la xiriira doorashada Soomaaliya ka dheceysa sida ay noqon karto maadaama Dowladda ay sheegtay in sanadka 2016 aysan dhici karin doorasho qof iyo cod ah oo la filayay inay dalka ka qabsoonto.

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

Cabdiqaadir Gacal Abkow oo ka mid ahaa xubnihii ka socday Ururada Bulshada rayidka ah ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in kulankii maanta uu ahaa mid loo baahanaa, wuxuuna xusay inay muhiim tahay in la helo hab doorasho oo dadka ay kuwada qanacsan yihiin.

“Kulanka wadatashiga ee maanta halkan loo fadhiyay waa kulan loo bahanaa in ururada bulshada iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka ay wada hadlaan, isla markaana la is faro sida loo gaari karo wada shaqeyn dhab ah, sidaa darteed dalku wuxuu u bahaan yahay doorasho iyo in la helo dowlad lasoo doortay, taasoo ah sida lagu heli karo in shaqo adag la qabto oo ay kamid tahay in dadka la baro doorashooyinka maadaama jiilka 30-ka ka yar aysan waxba ka fahansaneyn nidaamka doorashada” ayuu yiri Cabdiqaadir.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo markii uu soo dhamaaday shirka ay la yeesheen Ururada bulshada rayidka ah u warantay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay inay isku afgarteen, inay si dhow u wada shaqeeyaan  labada dhinac,  waxayna intaasi ku dartay Guddigooda in uusan ka maarmin talada Ururada Bulshada rayidka ah.

“kulanka ay isugu yimaadeen Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka iyo Ururada Bulshada rayidka ah horta waxaan uga mahadcelinaa Ururada Bulshadsa oo iyaga soo codsaday inay nala kulmaan, si ay wax uga ogaadaan Guddiga Doorashoyinka ilaa maalintii la doortay, waxa ay qabteen runtii, wuxuu ahaa mid aan si aad ah wax uga kala faa’iideysanay loona baahan yahay inay sii socdaan talada ugu weyn ee soo baxday waxa waaye, markii laga hadlay shaqada la qabanayo iyo cidda qabaneysa inaan laga maarmin Ururada Bulshada rayidka ah inay qeybtooda ka qaataan”ayay tiri Xaliimo Yareey.

Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa mudooyinkii dambe waxa ay wadatashiyo la lahaayeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Mas’uuliyiinta Dowladda si loo helo hab doorasho oo dadka ay ku qanci karaan, maadaama Dowladda ay shaacisay in sanadka 2016 dalka ka dhici karin doorasho qof kasta uu codkiisa dhiibanayo.

Previous Post

Madaxweynaha: “Waa inaan ku dhiirannaa u hiilinta sharciga iyo cadaaladda” SAWIRRO

Next Post

Wasaaradda howlaha guud oo ka digtay in la dhisto garoonkii LLP Jeenyo

Next Post
Jawaabta Dowladda Federaalka ee ku aaddan baarista SOMA

Wasaaradda howlaha guud oo ka digtay in la dhisto garoonkii LLP Jeenyo

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In