Thursday, December 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Abwaanada Soomaaliyeed Oo Dr Dufle Iyo Dr Dalmar Guddoonsiiyay Shahaadooyin

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Golaha Abwaanada Soomaaliyeed Oo Dr Dufle Iyo Dr Dalmar Guddoonsiiyay Shahaadooyin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu guddoonsiinayay shahaadooyin Dr C/risaaq Axmed Dalmar iyo Dr Cismaan Maxamuud Dufle oo adeeg caafimaad u sameeyay Abwaan C/llaahi Ciise Singub ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabadaasi ay soo abaabuleen Golaha Abwaanada Soomaaliyeed.

Munaasabadda ayaa dadkii ka hadlay waxa ay bogaadiyeen sida bulshada Soomaaliyeed ay u qidmeynayaan dhaqaatiirtaasi, iyagoo ku ammaanay adeegyada Caafimaad ee Muhiimka ah oo had iyo jeer ay la garab taaganyihiin umadda Soomaaliyeed.

Related posts

Golaha Shacabka oo Marsiiyey Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Golaha Shacabka oo Marsiiyey Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

December 10, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye.

December 10, 2025

Dr Cismaan Maxamuud Dufle oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa sheegay juhdi dheer in ay u galeen in ay la tacaalaan xaaladda Caafimaad ee Abwaan Singub ayna ku guuleysteen, waxaana uu xusay markii ay maqleen in uu xanuunsanyahay Abwaanka wel wel badan ay ku abuurantay laakiin qadarta eebe darteed uu ku guuleeyay, baaritaano cudurada guud ahna uu ku sameeyay.

Dr C/risaaq Axmed Dalmar oo ah dhaqtarka abwaanka u daweeyay indhaha oo isna hadlay ayaa sheegay in mar walbo ay garabtaaganyihiin dadka waxgalka u ah bulshada, waxaana uu xusay in albaabadooda ay u furanyihiin abwaanada,fanaaniinta, iyo cid kasta oo bulshada wax gal u ah.

Ugu dambeyn Abawaan C/llaahi Ciise Singub ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay labada dhaqtar ee ku kala taqasusay daweynta Indhaha iyo Cudurada guud Dr C/risaaq Axmed Dalmar iyo Dr Cismaan Maxamuud Dufle, isagoo ku ammaanay dadaalka ay u galeen xaaladiisa Caafimaad.

 

Previous Post

Shirkii Wadatashiga Maamul Goboleedyada Iyo Dowladda Soomaaliya Oo Wajigiisii Sedexaad Ka Furmaya Maanta Kismaayo

Next Post

Madaxweynaha: ‘’Dadaal badan ayaan u soo galney inaan soo gaarno halka aynu maanta joogno” “Sawirro” 

Next Post
Daawo Caleemo Saarka M.weynaha Jubbaland oo Manta Kisamyo Lagu Qabtay

Madaxweynaha: ‘’Dadaal badan ayaan u soo galney inaan soo gaarno halka aynu maanta joogno" "Sawirro" 

Golaha Shacabka oo Marsiiyey Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Golaha Shacabka oo Marsiiyey Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

December 10, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kulankii 20-aad ee kalfadhiga 7-aad,...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye.

December 10, 2025
0

Muqdisho, Arboco, 10 Diseembar 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamse Cabdi Barre oo sii wada kulamada uu la...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee XFS oo daah-furay Xuska Maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka.   

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee XFS oo daah-furay Xuska Maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka.  

December 10, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga...

Xuska Maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo ka socota magaalada Muqdisho.

Xuska Maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo ka socota magaalada Muqdisho.

December 10, 2025
0

Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka (10-ka December) ayaa sanadkan si gaar ah diiradda u saaraysa kor u qaadista...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In