Monday, August 15, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ‘’Dadaal badan ayaan u soo galney inaan soo gaarno halka aynu maanta joogno” “Sawirro” 

September 13, 2015
in Wararka, Xulashada
0
Daawo Caleemo Saarka M.weynaha Jubbaland oo Manta Kisamyo Lagu Qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kismaayo, 13 September 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley munaasabada caleema saarka Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba oo ka dhacdey magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Khudbad uu halkaa ka jeediyay, ayaa Madaxweynaha waxaa uu ugu horeyn hambalyo u direy Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba, Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo shacabka gobollada Jubbooyinka.

Related posts

Madaxweynaha Dalka Oo Magacaabay Ergeyga Gaarka Ah Ee U Qaabilsan Dalladda Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha Dalka Oo Magacaabay Ergeyga Gaarka Ah Ee U Qaabilsan Dalladda Bulshada Bariga Afrika

August 14, 2022
Sawirro: Xaflad soo dhaweyn ah oo Muqdisho loogu sameeyay XFS

Sawirro: Xaflad soo dhaweyn ah oo Muqdisho loogu sameeyay XFS

August 14, 2022

Waxaa uu sheegay in barnaamijka baahinta xukunka ee waddanka ka socda uu yahay nidaam ay Soomaalida ku wada heshiiyeen, loona baahan yahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo, maadaama uu yahay hab siyaasadeed ku cusub dalka.

“Dagaalkii sokeeye iyo fowdada way ka dhammaadeen Soomaaliya. Kala aragti duwanaansho kasta oo dhacda waxaa lagu xalin karaa wadahadal, waana mahad Ilaahay inaan ka soo gudubney waqtigii xoogga iyo colaadda wax lagu raadin jirey, Waxaan ku jirnaa marxalad siyaasadeed iyo dowlad dhisid.

Marxaladda noocaasi ahna waxaa barbar socota cabasho, tabasho, cabsi iyo is riix riix siyaasadeed. Waa inaan naceybka iyo colaadda ku bedelnaa in nabad la dhaliyo, is jaceylna la dhex dhigo bulshada’’.
Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in wax laga barto khaladaadkii hore u dhacay, Soomaaliyana loo abuuraa mustaqbal wanaagsan oo horumar iyo midnimo ku dhisan.
“Khibrad badan ayaa laga bartaa khaladaadkii hore u dhacay. Shacabka uma baahna in dhegahooda lagu shubo naceyb iyo cabsi. Haddii ay jiraan kala aragti duwanaansho u dhexeysa madaxda waa in lagu xaliyaa goobaha loogu talagaley, Sax ma ahan in goob fagaare ah amaba warbaahinta la soo dhex dhigo hadalo dadka kicin kara, kuna celin kara rajo beel iyo colaad hor leh oo aan loo baahneyn’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dib u heshiisiinta ay sii socon doonto, loona baahan yahay in dowladnimada sii xoogeysaneysa la aamino si horey loogu sii dhaqaaqo,
“Shisheeye nooma sameyn karto siyaasadda aan dalkeena ku hageyno, Beesha caalamka taageero badan ayay ina siisey”.

Waddamada deriska iyo Afrika inteeda kale waxay nagu deeqeen wiilashooda iyo gabdhahooda si ay dib u soo celinta nabadda inoo gala shaqeeyaan,waana ka mahad celineynaa. Haddaan nahay madaxdii qaranka, waxaa na soo doortey shacabka, waxaana na laga doonayaa inaan si hufan ugu adeegno, isla markaana aan dejino qorshe siyaasadeedkii waddankan lagu hagi lahaa inagoo shacabka kaashaneyna’’.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ku booriyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay gacmaha is qabsadaan, kana shaqeeyaan in waddanka la nabadeeyo horumarna la gaarsiiyo, isagoo intaa ku darey in loo baahan yahay sidii dalka loo gaarsiin lahaa meel ka wanaagsan halka uu maanta marayo.

Xafladda waxaa kale oo ka soo qeybgaley , hadalana ka jeediyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, madaxda maamullada Jubba, Galmudug, Koonfuur Galbeed Soomaaliya, Puntland,wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay, Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Ethiopia Dr Tedros Adhanom, Urur goboleedka IGAD, Midowga Africa,danjireyaal, diblomaasiyiin, xubnaha labada gole ee Soomaaliya, wakiilo ka socdey dalka Kenya iyo mas’uuliyiin kale.
—DHAMMAAD-

calemasaar-2 calemasaar-4 calemasaar-5 calemasaar-6

Previous Post

Golaha Abwaanada Soomaaliyeed Oo Dr Dufle Iyo Dr Dalmar Guddoonsiiyay Shahaadooyin

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo Xildhibaan C/sataar Oo Xalay Kormeeray Qeybaha Magaalada Jowhar

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo Xildhibaan C/sataar Oo Xalay Kormeeray Qeybaha Magaalada Jowhar

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo Xildhibaan C/sataar Oo Xalay Kormeeray Qeybaha Magaalada Jowhar

Madaxweynaha Dalka Oo Magacaabay Ergeyga Gaarka Ah Ee U Qaabilsan Dalladda Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha Dalka Oo Magacaabay Ergeyga Gaarka Ah Ee U Qaabilsan Dalladda Bulshada Bariga Afrika

August 14, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargelinaya qorshaha ka mid noqoashada Dalladda Bulshada Bariga Afrika, ayaa u...

Sawirro: Xaflad soo dhaweyn ah oo Muqdisho loogu sameeyay XFS

Sawirro: Xaflad soo dhaweyn ah oo Muqdisho loogu sameeyay XFS

August 14, 2022
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu taageerayey Xukuumadda oo ay soo...

Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Oo Guddoomiyey Kulan Howleedka Waaxyaha Wasaaradda

Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Oo Guddoomiyey Kulan Howleedka Waaxyaha Wasaaradda

August 14, 2022
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi limaan Cige, ayaa maanta guddoomiyey kullan is xog-wareysi ah,...

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Shir Guddoonshay Kulanka Golaha Wasiirada

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Shir Guddoonshay Kulanka Golaha Wasiirada

August 14, 2022
0

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta guddoonshay shirka golaha Wasiiradda hirshabeelle.Shirka golaha, ayaa looga hadlay arrimaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In