Taliye ku xigeenka ciidanka booliska Soomaliyee Jeneraal Muqtaar Xuseen Afrax oo uu wehliyo gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa maanta kormeer ku tagay saldhigga booliska degmada Beledweyn.
Jeneraal Muqtaar Xuseen Afrax ayaa la kulmay saraakiisha iyo ciidanka saldhigga booliiska Beledweyne, isagoo ka dhageystay warbixin ku aaddan duruufaha kala duwan ee ay ku shaqeeyaan iyo baahiyaha ka jira Saldhigga.
Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in wax badan laga qaban doono baahiyaha ay soo gudbiyeen, isagoo dhinaca kale tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in ciidamadku bartaan qorista farta Soomaaliga si ay u qabtaan shaqo hufan oo waxtar leh.
“waxaan ka warqabaa in ciidanka uusan helin garaam, waxaan ka warqabaa in dareeskan ay Jabuuti na siisay, ragga qaarkood iyaga ayaa isa soo dabaray, astaanta booliska nin walba asaa raadsaday si dowlad nimada halkaas leysaga yimaado, bishii 8 aad ee sanadkan taliyaha booliska waxa uu soo saaray wareegto aheed in kormeere 3 aad iyo dable ay bartaan qorista afka Soomaliga iyo xisaabaadka aas aasiga ah 1-da Disembar waxaa la qaadayaa imtixaan ninkii ku dhoco ciidanka booliska kamid ma ahaan doono, sababtoo ah baabuur ayaa meshaas dad ku dar daray ma aqri kartid taargadiisa wuu iska dhaqaaqay, dambiyaa dhacay saacadow dhacay goobta uu ka dhacay in uu qoraa laga rabaa askariga booliska ah” ayuu yiri Jeneraal Muqtaar.
Gudoomiya maamulka gobolka Hiiraan Cabdi fitaah Xasan Afrax ayaa bogaadiyay dadaalada ciidanka booliska Soomaliyeed ay ka wadaan gobolka Hiiraann, waxaa uuna sheegay in maamulka goblka Hiiraan uu ka soo bixi doono wax kasta oo ay ku caawinayo ciidanka booliska Soomaliyeed ee ku sugan gobolka Hiiraan.
Mudooyinkii la soo dhaaafay ayaa saraakiisha ciidanka booliska Soomliyeed waxaa ay wadeen qorshe kor loogu qaadayo tayada ciidanka booliska waxaana ay dib uhowgaliyeen saldhigyadii ciidanka booliska ee ku yaalay gobolada dalka.