Friday, March 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Maamulka Koonfurgalbeed oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Mudanayaal iyo waxgarad soo dhaweeyay baqii nabadeed ee madaxweynaha maamulka K/galbeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Maamulka Koonufur galbeed ee Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ayaa tilmaamay inay guul ku soo dhamaatay shirar kala duwan oo uu kaga qeyb galay magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo ee gobollada Banaadir iyo Jubbada Hoose.

Wafdiga uu hogaaminayay Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaa qeyb ka ahaa qaar ka mid ah Wasiirada maamulka Koonfur galbeed, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Wasiirada maamulka, saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, kuwa AMISOM, Maamulka gobolka iyo dadweyn aad u fara badan oo ku labisnaa dharka hidaha iyo dhaqanka.

Related posts

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026
Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

March 20, 2026

Madaxweynaha Maamulka Koonufur galbeed ee Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo warbaahinta kula hadlay Madaxtooyada maamulkaasi ayaa sheegay in ay guul ku soo idlaatay socdaalkii uu ku tegay Kismaayo iyo Muqdisho, isagoo xusay in bulshada looga baahanyay in ciidamada ay gacan ku siiyaan sidii guud ahaan dalka looga cirib tiri lahaa kooxda Al-Shabaab.

“Caleemo saarka Madaxweynaha Mamaulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaan ka qeyb galay, waxaan ka wada hadalnay arrimo badan oo aan isla garanay, waxaan kaloo ka qeyb galay shir looga hadlayay sidii loo heli lahaa hab ay ku dhici karto doorashada 2016-ka, cadowga ugu daran Soomaaliya waa Al-Shabaab, kuwaasi oo aan doonayn in horumr la gaaro, ee aan u wada istaagno sidii kuwaasi dalka looga xoreyn lahaa”ayuu yiri Shariif Xasan.

 

 

Previous Post

Arday la guddoonsiiyay shahaadooyin oo lagu qabtay Mareykanka “SAWIRRO”

Next Post

Golaha Isutaga Jaamacadaha oo lagaga dhawaaqay Muqdisho

Next Post
Dhoolatus ay sameynayaan ciidanka booliska oo Muqdisho ka socda

Golaha Isutaga Jaamacadaha oo lagaga dhawaaqay Muqdisho

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026
0

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa saakay si...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

March 20, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

March 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta munaasabadda Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee...

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

March 19, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aadan Munaasabadda Ciidul Fitriga u diray shacabka Soomaaliyeed iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In