Wararka ka imaanaya dalka Burkina faso ayaa sheegaya in koox mudaharaadayaal ah oo taageersan Militariga inqilaabka ku qabsaday talada dalka Burkina Faso ay xoog ku galeen Hotelka ay wadahadalada uga socdeen Saraakiisha Militariga iyo Guddiga ka socda urur gobaleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS.
Dibadbaxayaasha ayaa waxaa ka mid ah taageerayaashii Hogaamiyihii hore ee xilka laga tuuray sanadkii la soo dhaafay Mr.Blaise Compaore, waxayna ka soo horjeedaan in Militariga inqilaabka sameeyey ay awoodda dib ugu celiyaan dowlad rayida oo KMG ah, taasi oo diyaarineysa doorasho dalkaasi ka dhacda bisha Oktoober ee sanadkan.
Madaxweynayaasha Benin iyo Senegal ayaa sabtidii la soo dhaafay bilaabay wadahadallada u dhaxeeya saraakiisha meleteriga Burkina faso iyo xubno metalayey urur gobaleedka ECOWAS kuwaasi oo la kulmay hogaanka Militariga iyo dowlada KMG ah.