Olole nafaadadeed oo sare loogu qaadayo nadaafadda iyo bilicda ayaa maanta ka billowday xaafadaha kala duwan ee degmada Waaberi gobolka Banaadir.
Afarta xaafadood oo ay ka koobantahay degmadaasi ayuu ka billowday ololahaasi oo ay ka qeybqaadanayaan xoogag ka kala socday xaafadaha ay ka koobantahay degmada, kaasoo la doonayo in lagu soo celiyo bilicda iyo nadaafadda degmadaasi inta lagu guda jiro maalmaha ciidda oo foodda inagu soo haya.
Gudoomiyaha degmada Waabari Xaawo-kiin Maxamed Cali ayaa Radio Muqdisho u sheegtay in amarkaan uu baxshay gudoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen “Muungab” hadafkuna uu yahay in ciidda inta aan la gaarin degmada la nadiifiyo
“ maanta waxaan u taaganahay in degmada Waabari Afarteeda waa xood sida aad soo aragteenba waax kasta qaybteeda ayey ku aadday si loo dar dar galinyo in nadaafada iyo bilic soo celinta magalada Muqdisho, waxana go’aankaan ka soo baxay gudoomiyaha gobolka Banaadir” ayeey tiri gudoomiyaha degmada Waaberi.
Ololahan nadaafadeed ayaa qeyb ka ah qorshaha maamulka gobolka Banaadir uu ku doonayo in lagu soo celiyo nadaafadda iyo bilicda caasimadda Muqdisho.