Munasabadaan oo ahayd mid lagu xusayey maalinta Nabad Adduunka ee 21 September ayaa maanta lagu qabtay magaaladda Muqdisho, waxaana ka qayb galay Ra’iisul wasaaraha xukumadda Soomaaliya, xubno katirsan labada Gole ee Dowladda Soomaaliya, Madaxda maamullada puntland , Jubbaland ,Galmudug , ergeyga gaarka ah ee Qaramadda Midoobe u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya , Uururka haweenka Qaranka iyo marte Sharaf kale.
Xuska maalinta Nabadda Aduunka oo hal ku dhig looga dhigay sanadkaan aanu midowno horumarinta Nabadda ayaa waxaa soo qaaban qaabiyey xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, waxaana heeso ka turjumaya ahmiyadda Nabadda ka qaadayey fanaaniin Soomaaliyeed .
Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay uqaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicolas kay oo munasabadda ka hadlay ayaa sheegay in munasabadaani ay fursad wayn u tahay hoggaamiyaasha Soomaaliyeed isla markaana ay ku soo aaday iyadoo Magaalada Muqdisho uu ka socdo kulamo wadatashi ah oo looga hadlayo Masiiiirka Umadd aSoomaaliyeed.
Madaxwaynayaasha maamul gobolleedyada , Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo puntland Cabdi wali Maxamed Cali Gaas oo si wada jir ah uga hadlay munaasabadda ayaa hoosta ka xariiqay in ay lagama maar maan tahay in guuud ahaan bulshada Soomaaliyeed inay ka qayb qaataan horumarinta Nabadda Soomaaliya.
Wasiiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka Marwo Sahra Maxamed Cali ayaa xustay in Nabaddu ay tahay tan ugu muhiimsan in ay helaan qofkasta oo noole ah.
Ra’iisul wasaaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ugu dambaytii Munaasabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa tilmaamay in Nabad lagu gaari karo in la helo xasilooni Siyaasadeed isla markaana looga baahan yahay Arrintaas inay sameeyaan Haweenka iyo dhallinyarada.
Sawir qaade Farxaan sulaymaan daahir